​Xiisadda Sacuudiga iyo Iran oo korodhay

Image

Boqortooyada waddanka Sacuudiga ayaa ka hadashay go'aankii shalay ay ku dhawaaqday xukuumadda Iran, kaasoo ahaa inaysan sannadkan Xajka u dirayn muslimiintooda.

Waxay go'aankaasi u cuskatay inay dadkeeda soo xajiya shuruudo badan lagu xiro.

Balse, waxaa ka jawaabtay hadalkaasi boqortooyada Rayad, waxayna tilmaamtay inaysan waxba ka jirin hadalkaasi, iyadoo intaasi raacisay in xujayda Tehran dalbadeen mudaharaadyo taasin aysan dhici karin.

Caadil Al-Jubayr, wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga, ayaa tilmaamay in xukuumadda Iran ku khaldantahay inay caburiso muslimiinta gudanaya waajibaadkooda islaamiga ah.

Xajkii sanadkii hore, ayey boqolaal xujey ah oo badi ay u dhaseen Iran ay ku dhinteen wiish ku soo dhacay oo Tehran ku eedeysay madaxda Sacuudiga.

Shilkaasi ayaa khilaafka ugu xooggan ka dhashay, waxaana mas'uuliyiinta Iran falkaasi ku eedeeyeen boqortooyada oo ay tilmaameen inay dayacday wajibkii saarnaa.

Xiisadda u dhexeysa labada dal ee Iran iyo Sacuudiga, ayaa sii kordheysay iyadoo labada awoodood ee gobolka ay kala taageeraan kooxo kala duwan ee ku dagaalamaya Suuriya iyo Yemen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Pakistan oo diyaarado dagaal u dirtay Saudi Arabia xili uu fashilmay Wadahadalka Islamabad

Falanqeeyayaasha amniga ayaa rumeysan in u dirista diyaaradahan aysan ahayn mid militari ahaan wax weyn ka beddelaysa awoodda difaaca.

  • Caalamka

    12-04-2026

  • 09:41AM

Mareykanka iyo Iiraan oo ku kala tagay wadahadalladii Islamabad

Madaxweyne ku-xigeenka J.D. Vance ayaa sheegay in Maraykanku uu si daacad…

  • Caalamka

    12-04-2026

  • 02:47AM