Xijaabka oo laga mabnuucayo Gobol katirsan Canada [Akhri Sababta]

Image

CANADA - Gobolka Quebec ee dalka Canada oo ah gobolka dadka ugu badan ee afka Faransiiska ku hadlo ee dalkaasi ay ku nool yihiin, ayaa doortey xisbi cusub oo xilka kala wareegayo kan Liberaalka ee gobolkaasi maamulayey.

Xisbigan oo loo soo gaabiyo CAQ, (Coalitio Averi Quebec) ayaa waxyaabaha uu ololaha doorashada ku galey waxa ka mid ahaa xagjirnimo ka dhan ah soogalootiga.

Qodobada ugu waa weyn ee soogalooti ka dhanka ah ayaa waxa ka mid ah in ay dhimayaan tirada ajaanibta ee ku soo biiraysa bulshada gobolkaas oo hada dhan 50,000 oo qof sanadki.

Waxay sheegeen in ay ka dhigayaan 10,000 oo qof sanadkiiba.

Waxa kale oo ay sheegeen in shaqaalaha dowlada iyo dadka adeega ka doonayaba ay ka mabnuucayaan in ay ka muuqato calaamad diimeed.

Warbaahinta Kanada ayaa u arka in talaabadan Muslimiinta loola dan leeyahay.

Related Articles

Heshiiska Is-afgaradka Mareykanka iyo Iiraan: Maxaa ku jira, maxaase weli mugdi ku jira?

Heshiiskan oo ka kooban 14 qodob, isla markaana aan aad u dheereyn, ayaa diiradda…

  • Caalamka

    18-06-2026

  • 12:48AM

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM