Xijaabka oo laga mabnuucayo Gobol katirsan Canada [Akhri Sababta]

Image

CANADA - Gobolka Quebec ee dalka Canada oo ah gobolka dadka ugu badan ee afka Faransiiska ku hadlo ee dalkaasi ay ku nool yihiin, ayaa doortey xisbi cusub oo xilka kala wareegayo kan Liberaalka ee gobolkaasi maamulayey.

Xisbigan oo loo soo gaabiyo CAQ, (Coalitio Averi Quebec) ayaa waxyaabaha uu ololaha doorashada ku galey waxa ka mid ahaa xagjirnimo ka dhan ah soogalootiga.

Qodobada ugu waa weyn ee soogalooti ka dhanka ah ayaa waxa ka mid ah in ay dhimayaan tirada ajaanibta ee ku soo biiraysa bulshada gobolkaas oo hada dhan 50,000 oo qof sanadki.

Waxay sheegeen in ay ka dhigayaan 10,000 oo qof sanadkiiba.

Waxa kale oo ay sheegeen in shaqaalaha dowlada iyo dadka adeega ka doonayaba ay ka mabnuucayaan in ay ka muuqato calaamad diimeed.

Warbaahinta Kanada ayaa u arka in talaabadan Muslimiinta loola dan leeyahay.

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM