Xildhibaano diiday in RW Somalia matalo madaxweynaha

Image

14 September, 2015(GO)- Xildhibaanada keenay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Somalia ayaa diiday in Ra'isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid uu u matalo madaxweyne Xasan Sheekh wada-hadalka la shaaciyay ee ku aaddan xallinta  dacwada ka dhanka ah madaxweynaha Somalia.

Xildhibaan Cabdiraxman Xoosh Jibriil oo la hadlay BBC  ayaa sheegay inay diyaar u yihiin xallinta mooshinka ay ka keeneen madaxweyne Xasan Shiikh iyadoo loo marayo qaab wada hadal ah, balse aysan ogolaan doonin in Cumar Cabdirashiid wakiil ka noqdo mas'uulka ugu sareeya Somalia.

Sababta ayuu ku sheegay Xoosh in Ra'isal wasaaraha uusan ahayn cidda eeda laga keenay oo mooshinku ku socdo, sidaa darteed doonayaan inay kala hadlaan Xasan Sheekh.

Dhinaca kale, Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diireye ayaa sheegtay inaan loo baahnayn mooshin waqtigan la keeno, iyadoo ku baaqday inay la laalo maadama uu yahay mid sharciga khilaafsan.

Mudda yar ayaa ka hartay xilliga uu soo dhammaanayo kalfadhigga Barlamanka Somalia, waxaana taaggan khilaaf ka dhashay mooshinno iska soo horjeeda oo loo gudbiyay guddoonka Barlamanka dhowaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xuutiyiinta oo weeraray garoonka diyaaradaha ee Riyadh

Ilaa hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee keentay in duulimaadyada ku wajahnaa garoonka Riyadh ay leexdaan.

  • Caalamka

    08-10-2026

  • 11:46AM

Sucuudiga: Saddex qof oo ku dhintay weerarro Xuutiyiintu ku qaadeen garoomo diyaaradeed

War-saxaafadeed ka soo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in weerarkii lagu qaaday…

  • Caalamka

    08-10-2026

  • 02:40AM