Xilliga doorashada Somaliland oo la go'aamiyey

Image

(VOA)- Maxkamadda ayaa waxa ay laashay heshiis ay hore si wada-jir ugu gaadheen xisbiyada siyaasaddu in ay doorashooyinkaasi qabsoomaan 15-ka December 2016.

Maxkamadda sare ee Somaliland, ahna maxkamadda dastuuriga ah ayaa go'aamisay in 28-ka bisha March ee sannadka 2017 ay rasmiyan Somaliland uga qabsoomaan doorashooyinka golaha wakiillada iyo madaxweynuhu.

Maxkamadda ayaa waxa ay laashay heshiis ay hore si wada-jir ugu gaadheen xisbiyada siyaasaddu in ay doorashooyinkaasi qabsoomaan 15-ka December 2016.

Go’aanka maxkamadda ayaa yimid kadib markii madaxweynaha Somaliland ka codsaday inay fasiraad sharci ah ka bixiso laba go’aan oo is-diidanaa oo ay kala gaareen golaha guurtida iyo xisbiyada mucaaradka, oo ku saabsanaa waqtiga doorashada.

Madashii go'aankaa lagaga dhawaaqay waxa ku sugnaa Weriyaha VOA Barkhad Kaariye oo warbixintan nooga soo diray.

Halkan ka dhageyso 

VOA

Related Articles

Ciidamada ICE oo in ka badan 400 qof ku qabtay gobolka Minnesota

Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota, oo ah tan ugu badan ee qowmiyad dibadda ka soo jeeda gudaha gobolka.

  • Caalamka

    15-12-2025

  • 11:26AM

Maraykanka oo Ka Qabsaday Markab Xeebaha Dalka Venezuela

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters iyo Bloomberg ayaa lagu soo warramay…

  • Caalamka

    10-12-2025

  • 09:16PM