Mucaaradka Somaliland oo ka hadley go'aanka madaxweyne Siilanyo

Image

11 August, 2015 (GO)- Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa soo dhoweeyey go'aanki madaxweyne Siilaanyo maxkamda sare ugu gudbiyey inay fasiraad sharci ah ka bixiso laba go’aan oo is-diidan oo ay kala gaareen golaha guurtida iyo xisbiyada mucaaradka Somaliland, oo ku saabsanaa waqtiga doorashada xigta ee Somaliland. 

Gudoomiye-yaasha labada xisbi ee Wadani iyo Ucid oo la hadley idaacada BBC laanteeda af-Somaliga ayaa xusey in go'aanka madaxweynaha yahay mid loo baahanaa in horey loogu gudbiyo maxkamada sare madaama guurtida diidey iney wax ka badalataa go'aankooda ku saabsan waqtiga la qabanayo doorshooyinka Somaliland.

Golaha Guurtida ayaa bishii April ee 2015 go’aamiyey in doorashada xigta ee Somaliland la qabto bisha April ee 2017, iyada oo waqtiga madaxweyne Siilanayo uu ku ekaa 26-kii June ee 2015. Hase yeeshee, go’aankaas ayaa waxaa ku gacan seeray xisbiyada mucaaradka oo ku baaqay in doorasho la qabto bisha December ee 2016-ka. 

Bishii May ee sanadkan ayaa sidoo kale wdaa-hadallo dhex maray xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka oo uu guddoominayey madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici waxaa saddexda xisbi ay ku heshiiyeen in kahor bisha December ee 2016 ay dhacaan doorashooyinka, islamarkaana madaxweynaha uu saxiixo heshiiska la gaaray. Si kastaba, waxaa mar kale arrintaas ku gacan seeray Guurtida oo ku adkeystay in go’aankooda yahay kan sharciga ee kama dambeysta ah. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Mareykanka oo joojiyey gargaar cunto oo nafbadbaadin u ahaa malaayiin carruur ah

Cilmibaareyaal caafimaad iyo ururo samafal ayaa uga digay Dowladda…

  • Caalamka

    18-04-2025

  • 06:35AM

Trump oo Xiraya 10 Safaaradood iyo 17 Qunsuliyad, si u dhimo Miisaaniyada Dibadda

Qunsuliyadaha la soo jeediyay in la xiro ayaa inta badan ku yaal Yurub, kuwaasoo ay ku jiraan goobo dalxiis oo ay jecel yihiin Mareykanka.

  • Caalamka

    16-04-2025

  • 09:31AM