​Xukunkii dilka oo laga joojiyay Maxamed Mursi

Image

Maxkamadda sare ee Masar ayaa go'aamisay in la joojiyo dilkii lagu xukumay madaxweynihii hore ee Maxamed Morsi, waxayna amartay in dacwada mar kale la qaado.

Sanadkii hore, Mr Morsi ayaa lagu xukumay dil kadib markii lagu eedeeyay xabsi laga baxsaday waqtigii kacdoonkii 2011.

Mr Morsi oo ka mid ah xisbiga Akhwaan Muslimiinta ayaa ahaa madaxweynihii ugu horeeyay ee si dimoqraadi ah loo doorto kadib kacdoonkii Carabta.

Laakiin waxaa xukunka ka qaaday milatariga 2013-dii, kadib mudaaharaadyo looga soo horjeeday dowladiisa.

Tan iyo waqtigaas wuxuu u xiran yahay danbiyo kale oo lagu xukumay waqti dheer.

BBC

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM