Xuutiyiinta iyo Yahuuda oo furin dagaal cusub ka furay Bariga Dhexe

Image
Labada dhinac ayaa is-dhaafadey duqeymo aad u xooggan kuwaas oo naf iyo maal burburiyay.

DOOXA, Qadar - Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa saddex qof ku dilay dekedda Xudeyda ee Xuutiyiinta Yemen ay maamulaan, sidda ay ku warantay warbaahinta ku hadasha afka fallaagada ay taageerto Jamhuuriyadda Iran.

Saxaafadda Xuufiyiinta hubeysan ayaa xaqiijisay duqeynta kadib markii kooxdan ay weerar ba’an ku qaadeen dhulka Yahuuda gaar ahaan magaalada Tel Aviv iyaga oo adeegsanaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Weerarrada lagu qaaday dekedda muhiimka ah, ee dhaliyay dab xooggan iyo qiiq madow, ayaa ah kii ugu horreeyay ee Israa'iil ay sheegato in ay ka geysatay dalka ugu saboolsan jasiiradda Carabta.

Yemen ayaa qiyaastii 2,000 kiiloomitir (1,300 mayl) u jirta Yahuuda, sidda ay sheegeen falanqeeyayaasha oo ka digay in ay dhici karaan weeraro kale oo si daran-doori ah u dhici doona.

"Dhiigga muwaadiniinta Israa'iil wuxuu leeyahay qiimo," ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Israa'iil Yoav Gallant kaas oo ku faanay in dalkiisa uu ka dambeeyay duqeyntan ba'an.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Gallant ayaa intaas ku daray in howlgallada dheeraadka ah ee ka dhanka ah Xuutiyiinta ay raaci doonaan "haddii ay ku dhiiradaan inay nasoo weeraraan".

Gallant waxa uu sheegay in duqaymaha Xudeyda ay sidoo kale digniin u yihiin kooxaha kale ee hubaysan ee Iran ay taageerto ee ku sugan bariga dhexe kuwaas oo sheegtay weeraro ka dhan ah Israa’iil intii uu socday dagaalkii Gaza.

Sikastaba ha ahaatee, duqeymahan ay is-dhaafsadeen Yahuuda iyo Xuutiyiinta ayaa ka dhigan furin dagaal cusub oo ka furantay Bariga Dhexe taas oo saameynteeda ay wada gaari doonto gobolka oo dhan haddii aanan xiisadda la qaboojin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ugu hanjabay Iran Dagaal ka weyn kii hore haddii diido ‘Heshiis Rasmi Ah’

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social, ayuu Trump ku sheegay in joogitaankan uu ka koobnaan doono.

  • Caalamka

    09-04-2026

  • 05:33AM

Lubnaan: Israel oo 112 qof ku dishay duqeymo Maanta fulisay

Lubnaan waxay ku jirtaa xaalad adag, dadka rayidka ah ayaana bixinaya qiimaha ugu sarreeya ee colaaddan.

  • Caalamka

    08-04-2026

  • 04:28PM