Xuutiyiinta iyo Yahuuda oo furin dagaal cusub ka furay Bariga Dhexe

Image
Labada dhinac ayaa is-dhaafadey duqeymo aad u xooggan kuwaas oo naf iyo maal burburiyay.

DOOXA, Qadar - Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa saddex qof ku dilay dekedda Xudeyda ee Xuutiyiinta Yemen ay maamulaan, sidda ay ku warantay warbaahinta ku hadasha afka fallaagada ay taageerto Jamhuuriyadda Iran.

Saxaafadda Xuufiyiinta hubeysan ayaa xaqiijisay duqeynta kadib markii kooxdan ay weerar ba’an ku qaadeen dhulka Yahuuda gaar ahaan magaalada Tel Aviv iyaga oo adeegsanaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Weerarrada lagu qaaday dekedda muhiimka ah, ee dhaliyay dab xooggan iyo qiiq madow, ayaa ah kii ugu horreeyay ee Israa'iil ay sheegato in ay ka geysatay dalka ugu saboolsan jasiiradda Carabta.

Yemen ayaa qiyaastii 2,000 kiiloomitir (1,300 mayl) u jirta Yahuuda, sidda ay sheegeen falanqeeyayaasha oo ka digay in ay dhici karaan weeraro kale oo si daran-doori ah u dhici doona.

"Dhiigga muwaadiniinta Israa'iil wuxuu leeyahay qiimo," ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Israa'iil Yoav Gallant kaas oo ku faanay in dalkiisa uu ka dambeeyay duqeyntan ba'an.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Gallant ayaa intaas ku daray in howlgallada dheeraadka ah ee ka dhanka ah Xuutiyiinta ay raaci doonaan "haddii ay ku dhiiradaan inay nasoo weeraraan".

Gallant waxa uu sheegay in duqaymaha Xudeyda ay sidoo kale digniin u yihiin kooxaha kale ee hubaysan ee Iran ay taageerto ee ku sugan bariga dhexe kuwaas oo sheegtay weeraro ka dhan ah Israa’iil intii uu socday dagaalkii Gaza.

Sikastaba ha ahaatee, duqeymahan ay is-dhaafsadeen Yahuuda iyo Xuutiyiinta ayaa ka dhigan furin dagaal cusub oo ka furantay Bariga Dhexe taas oo saameynteeda ay wada gaari doonto gobolka oo dhan haddii aanan xiisadda la qaboojin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM