Xuutiyiinta oo cambaareeyay go’aankii Mareykanka

Image

SANCA, Yemen – Hogaamiye ka tirsan xoogaga Xuutiyiinta ayaa cambaareeyay talaabadan uu falaagadan gacansaarka la leh Iiraan uu ugu aqoonsaday koox argagixiso ah kahor inta uusan xilka wareejin Donald Trump.

"Siyaasada maamulka Trump iyo dhaqankeeda waa argagixiso," ayuu Twitter-ka kusoo qoray Mohammed Ali al-Houthi. "Waa xuquuq aan leenahay in aan ka jawaabno talaabo kasta uu qaado maamulka Trump iyo mid kale".

Wuxuu ku daray: "Dadka Yemen waxba uma dhimi doonto talaabada [madaxwenaha Mareykanka Donald] Trump iyo maamulkiisa xilli ay dileen boqolaal Yemeniyiin ah halka ay kuwa kale ay gaajo bideen".

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan ayaa cambaareeyay talaabada Washington, waxaana uu sheegay in argagixiso loogu aqoonsaday Xuutiyiinta aysan waxba u dhimi doonin howlgaladooda.

"Waa iska cadahay in talaabooyinka noocaan ah loogu talagalay in looga sii daro xaalada," ayuu Tehran ka sheegay Saeed Khatibzadeh.

Wuxuu intaas raaciyey: "Albaabada wadahadalka wali waa laga fog-yahay, waxaana cawaaqibka mas'uul ka ah cidda kalkii hore keentay".

Yemen, oo ah dal dhaca Jaziirada Carbeed, ayaa la rumeysan yahay in uu yahay waddanka ugu balaaran ee dhibaato bini'aadanimo ay ka jirto, waxaana la sheegay in 30 milyan ruux ay u baahan yihiin kaalmo degdeg ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo markii ugu horreysay muddo bilo ah weerartay Sacuudiga

Sacuudi Carabiya ayaa digniin amni ka soo saartay khatar ka jirta Al-Kharj, oo qiyaastii 85 kiiloomitir koonfur-bari kaga beegan Riyadh.

  • Caalamka

    18-07-2026

  • 01:46PM

Erdogan oo Baarlamaanka Turkiga u gudbiyay dalab la xiriira amniga Soomaaliya

Mooshinka ayaa tilmaamay in inkasta oo ciidamada ammaanka Soomaaliya ay haystaan shaqaale iyo qalab ku filan.

  • Caalamka

    18-07-2026

  • 01:31PM