Xuutiyiinta oo gantaal ku weeraray Sacuudi Carabiya

Image

RIYADH, Saudi Arabia – Xuutiyiinta waddanka Yemen ayaa gantaal nooca ridada gaaban ku gannay gobolka Jazan ee dhaca koonfurta dalka Sacuudi Carabiya, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin iyo goobjoogeyaal kala duwan.

Gantaalka ayaa, sidda ku xusan qoraal kasoo baxay Xafiiska Difaaca gobolkaas, wuxuu ku dhacay nawaaxiga isbitaalka guud ee Al-Harath.

Afhayeen u hadlay xafiiskaas ayaa intaas ku daray in ay soo gaartay warbixin ku saabsan in gantaalkaas uusan waxyeelo kasoo gaarin rayid.

"Mas'uuliuiinta waxay heleen haraadiga gantaalka oo noociisu ahaa Katyusha wuxuuna ku dhacay qeybta nasashada Isbitaalka Al-Harath.

Ma jirto waxyeelo burbur ama dhaawacyo oo ka dhashay – waxaan taas uga mahadcelinaynaa Ilaahey – nidaamka difaaca ayaa si toos ah u shaqeeyay," ayuu yiri Korneyl Muxumad bin Yaxya al-Ghamdi, afhayeenka xafiiska.

Mr al-Ghamdi ayaa hoosta ka xariiqay in Xuutiyiinta ay soo tureen gantaalkaas, balse illaa haatan ma jiro wax war ah oo ku saabsan falkaas oo kasoo baxay falaagadda reer Yemen ee Jamhuuriyada Iiraan taageerto.

Horaantii Sabtidii, xulafada Carbeed ee Sacuudiga horkacayo ayaa war-saxaafadeed ku shaaciyey in ay qabteen isla markaana burburiyeen diyaarad drone oo Xuutiyiinta u direen dhanka hawada Sacuudiga.

Isbaheysiga ayaa ku nuux-nuux-saday in maleyshiyaadka Xuutiyiinta ay sii wadaan in ay si kula talagal ah u beegsadaan dad shacab ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha boqortooyadda oo ay kamid yihiin ceelasha shidaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu iyo Trump oo isku khilaafsan tallaabo cusub oo ka dhan ah Iran

Khilaafka ayaa sidoo kale la xiriira isku dayga Trump ee lagu doonayo in dagaallada Bariga Dhexe la dejiyo.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 06:01PM

Maraykanka iyo Iran oo billaabay wada-hadallo qarsoodi ah

Wada-hadallada ayaa ku soo beegmaya xilli ay weli taagan yihiin khilaafaadyo waaweyn oo ay ka mid yihiin barnaamijka nukliyeerka Iran.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 05:16PM