Xuutiyiinta oo sheegtey iney weerareen Warshado Shidaal

Image

SANCA: Dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta Yemen ee xulafada la ah Iran ayaa Sabtidii sheegay inay 14 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ah ku garaaceen dhowr magaalo oo Sacuudi Carabiya ah, oo ay ku jiraan xarumaha Saudi Aramco ee magaalada Jeddah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yemen, ayaa Jimcihii sheegay inay burburiyeen saddex diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo ku wajahan Koonfurta Sacuudiga, halka mid afraadna lagu soo ridey gudaha Yemen. Waxay-na sheegeen in kooxda "ku guuldareysteen inay ridaan laba gantaal oo ballistic ah" waxayna kuwaas ku dhaceen gudaha Yemen.

Saudi Aramco, shirkadda shidaalka dawladda, ayaa sheegtay markii ay la xiriirtay wakaaladda wararka ee Reuters in ay ka jawaabi doonto fursadda ugu horreysa.

Afhayeenka ciidamada Xuutiyiinta Yahya Sarea ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in kooxdu ay weerar ku qaadeen wershadaha sifaynta  shidaalka ee Aramco ee Jeddah iyo sidoo kale bartilmaameedyo militari oo ku yaala Riyadh, Jeddah, Abha, Jizan iyo Najran.

Xulafada uu Sacuudigu hogaamiyo ayaa sheegay galinkii dambe ee Sabtidii in ay weerareen 13 bartilmaameed, intii uu socday howlgal militari oo ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen.

Hawlgalka ayaa lagu garaacay bakhaarrada hubka, nidaamyada difaaca hawada iyo habka isgaarsiinta ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Sanca, Sacda, iyo Marib, isbahaysiga sidaas waxaa sheegay huwanta Sucuudigu hogaamiyo.

Xuutiyiinta ayaa si isdaba joog ah weeraro xudduudda uga gudba Sucuudiga iyaga oo adeegsanaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalo.

Dadaaladii ay garwadeenka ka ahaayeen Qaramada Midoobay iyo Mareykanka oo lagu doonayay in lagu sameeyo xabbad joojin laga sameeyo Yemen ayaa istaagay.

Khilaafkan oo loo arkay dagaal  u dhexeeya Sucuudiga iyo Iran, ayaa muddo sannado ah ku jiray ismari-waaga milateri.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM

Trump oo hakiyay duqeymihii Mareykanka ee Iran si fursad loo siiyo wada-hadallada

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa inuu booqdo Aqalka Cad, halkaas oo uu kula kulmi doono Trump.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 11:31AM