Xuutiyiinta oo weeraro culus ku qaadey Sacuudiga
RIYADH, Saudi Arabia — Isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudi Carabiya ee ka dagaallama Yemen ayaa sheegay in 73 qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, ay ku dhaawacmeen weerarro ay Xuutiyiintu ka geysteen gobollada koonfureed ee Boqortooyada, xilli ay sii xoogaysanayaan weerarrada xuduudaha isaga gudba iyo dagaallada dib uga soo cusboonaaday gudaha Yemen.
Afhayeenka isbahaysiga, Sarreeye Guud Turki al-Maaliki, ayaa bayaan uu soo saaray Talaadadii ku sheegay in weerarradu beegsadeen goobo rayid iyo kuwo dhaqaale oo ku yaalla magaalooyinka Abha, Khamis Mushait, Jazan iyo Najran.
Ma uusan sheegin goorta ay weerarradan dhaceen.
Al-Maaliki ayaa weerarrada ku tilmaamay “xaalad halis ah oo sii xoogaysanaysa” iyo “xadgudub cad” oo ka dhan ah madaxbannaanida Sacuudi Carabiya, isagoo sheegay inay khatar toos ah ku yihiin muwaadiniinta iyo dadka deggan dalkaas.
Waxa uu sheegay in isbahaysigu qaadi doono “dhammaan tallaabooyinka hawlgal ee lagama maarmaanka ah” si looga hortago weerarrada iyo ilaha ay ka soo fulaan.
Bayaanka ayaa soo baxay xilli dagaallo xooggan ay dib uga qarxeen dhowr gobol oo Yemen ah, kuwaas oo u dhexeeya ciidamada Xuutiyiinta iyo ciidamada dowladda Yemen ee ay taageerto Sacuudi Carabiya.
Dhanka kale, Xuutiyiinta ayaa Sacuudi Carabiya ku eedeeyay inay duqeyn cirka ah ku beegsatay xarun lagu hayo maxaabiis oo ku taalla degmada Al-Hazm ee gobolka Al-Jawf, taas oo ay sheegeen inay ku dhinteen toddoba qof, oo uu ku jiro ilmo, halka ugu yaraan toddoba kale ay ku dhaawacmeen.
Sacuudi Carabiya ayaan weli wax faallo ah ka bixin eedeynta Xuutiyiinta.
GAROWE ONLINE