Xuutiyiinta Yemen oo beegsaday maraakiib ay leeyihiin Reer Galbeedka

Image
uutiyiinta ayaa tan iyo bishii November waxa ay diyaaradaha aan duuliye lahayn iyo gantaalo ku garaacayeen marinka maraakiibta.

DOOXA, Qadar - Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegtay inay fuliyeen afar hawlgal oo millatari oo ay ku bartilmaameedsadeen afar markab oo jooga badda Cas, Carabta, Mediterranean-ka iyo badweynta Hindiya.

Hawlgalkii ugu horreeyay, "Markabka Israel ee MSC Unific waxaa lagu beegsaday badda Carabta," sidda uu sheegay Yahya Sarea, oo ah afhayeenka kooxda Yemen.

"Markab shidaal oo Mareykan ah oo lagu magacaabo Delonix" ayaa sidoo kale lagu beegsaday howlgal labaad oo laga fuliyay Badda Cas "markii labaad toddobaadkan," ayuu raaciyay.

Hawlgalka saddexaad ayaa lagu bartilmaameedsaday "Markabkii UK ka soo baxay ee Anvil Point oo marayay Badweynta Hindiya" halka hawlgalkii afraad ee badda Mediterranean-ka ayaa lagu beegsaday markab ay Sarea ku sheegtay "Naaquudaha Nasiibka leh."

Xuutiyiinta ayaa tan iyo bishii November waxa ay diyaaradaha aan duuliye lahayn iyo gantaalo ku garaacayeen marinka maraakiibta, iyaga oo sheegay in ay garab taagan yihiin Falastiiniyiinta go'doomiyey ee Gaza.

Milateriga wadamadda Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa duqeymo cirka ah ka billaabay guud ahaan deegaannada ay Xuutiyiinta ka taliso ee dalka Yemen, si loo wiiqo awoodda milateri ee kooxda hubeysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ugu yaraan 39 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay koonfurta Spain

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa sheegay in dalka uu wajihi doono “habeen xanuun weyn leh”.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 11:33AM

Ra'iisul Wasaaraha UK oo ka hadlay cadaadiska canshuuraha Trump iyo mowqifka Greenland

Starmer, oo ay garab taagnaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Yvette Cooper iyo Wasiirka Maaliyadda Rachel Reeves.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 09:36AM