Yahuuda iyo Xisbulah oo is-dhaafsaday in ka badan 400 gantaal

Image
Waa weerarkii ugu cuslaa oo dhinacyadda dhexmaray muddo saacado gudaheeda taariikhda.

DOOXA, Qadar - Milatariga Israa’iil ayaa 400 oo weerar ku qaaday Lubnaan, Xisbullah ayaa gantaallo ku garaacday saldhigga Ramat David oo u dhow magaalada Haifa, taasoo ah tii ugu ballaarneyd ee ay isweydaarsadaan tan iyo markii uu billowday dagaalka Gaza.

Ciidamada Israel oo aad u hubaysan, wajiyada soo duubtay ayaa weeraray xafiiska Al Jazeera ee Ramallah oo ku yaala magaalada la haysto ee Daanta Galbeed ee Ramallah waxayna soo rogeen xidhitaan 45 maalmood ah dadaalkoodii ugu dambeeyay si ay u yareeyaan baahinta shabakada.

Dhanka kale, 7 qof oo kale oo falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Qaza ka dib markii ay Israa’iil weerartay saaka.

Hay’adda Bisha Cas ee Falastiin (PRCS) ayaa meydadka afar dhibane ka soo saartay deegaanka al-Attatirah ee bariga Rafah ee koonfurta Qaza ka dib duqeynta Israel, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Wafa.

Laba qof oo kale ayaa lagu dilay deegaanka Khuza’a ee bariga Khan Younis ka dib markii lala beegsaday madaafiic.

Qof kale oo Falastiini ah ayaa dhintay kadib markii Quadcopter Israel ay rasaas ku fureen dad rayid ah oo ku sugnaa galbeedka xerada qaxootiga ee Nuseirat ee bartamaha Gaza.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markab Gargaar oo ku Wajahnaa Gaza oo Israa’iil Qabatay

Gaza ayaa noqotay xabaalo dusha ka furan, iyadoo adduunka intiisa kale laga jaray, iyadoo aan la gelin karin gargaarka bini'aadanimo.

  • Caalamka

    09-06-2025

  • 06:01AM

Trump: Aniga iyo Elon Musk Xiriirkeennii wuu dhammaaday, Cawaaqib xun ayuu la la kulmi doonaa

“Waxaan u maleynayaa inay sidaas tahay, haa,” ayuu yiri Trump markii la weydiiyay haddii uu u maleynayo in xiriirkooda uu dhammaaday.

  • Caalamka

    08-06-2025

  • 08:56AM