Yemen: 28 ku dhimatey qarax lala beegsaday isbitaal

Image

June 30, 2015 (GO)- Ugu yaraan 28 qof ayaa ku dhintey 20 qof oo kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay isbitaal ay leeyihiin militeriga dalka Yemen oo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Sanca.

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa lala beegsaday isbitaalka oo xilligaas ay ka socotey munaasabad tacsi ah islamarkaana ay ku sugnaayeen labo nin oo ay walaalo yihiin hoggaamiyaha guud ee mileeshiyaadka xuutiyiinta.

Mas'uuliyadda weerarkaas waxaa sheegtay Ururka Daacsih ee fadhigiisu yahay wadamada Ciraaq iyo Syria. 

Xaaladda dalka Yemen ayaa ah mid kacsan laga soo bilaabo markii mileeshiyaadka Xuutiga iyo ciidamo daacad u ah madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdallah Saalax ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Sanca iyo qaybo badan oo dalkaas kamid ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM

Trump oo damaanad-qaaday amniga Ukraine Haddii Heshiis Nabadeed Laga Gasho Ruushka

Marka la eego arrimaha amniga, caawimo badan baa jiri doonta," ayuu Trump u sheegay warfidiyeenka.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 08:33AM