Yemen: 28 ku dhimatey qarax lala beegsaday isbitaal

Image

June 30, 2015 (GO)- Ugu yaraan 28 qof ayaa ku dhintey 20 qof oo kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay isbitaal ay leeyihiin militeriga dalka Yemen oo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Sanca.

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa lala beegsaday isbitaalka oo xilligaas ay ka socotey munaasabad tacsi ah islamarkaana ay ku sugnaayeen labo nin oo ay walaalo yihiin hoggaamiyaha guud ee mileeshiyaadka xuutiyiinta.

Mas'uuliyadda weerarkaas waxaa sheegtay Ururka Daacsih ee fadhigiisu yahay wadamada Ciraaq iyo Syria. 

Xaaladda dalka Yemen ayaa ah mid kacsan laga soo bilaabo markii mileeshiyaadka Xuutiga iyo ciidamo daacad u ah madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdallah Saalax ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Sanca iyo qaybo badan oo dalkaas kamid ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sagal Cabdi-Wali oo ku Guuleysatay Kursigii Baarlamaanka ee Keir Starmer

Sagal Cabdi-Wali ayaa si aqlabiyad leh uga guuleysatay hoggaamiyaha Xisbiga….

  • Caalamka

    09-10-2026

  • 05:45AM

Xuutiyiinta oo weeraray garoonka diyaaradaha ee Riyadh

Ilaa hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee keentay in duulimaadyada ku wajahnaa garoonka Riyadh ay leexdaan.

  • Caalamka

    08-10-2026

  • 11:46AM