YEMEN: Isbaheysiga Sacuudiga oo duulaan culus ku qaadey Xudeyda

Image

Ciidamada Isbaheysiga Khaliijka ee Sacuudiga uu hoggaamiyo ayaa maanta billaabay weerar xooggan oo ka dhan ah magaalo xeebeedka muhiimka ah ee Xudeyda, taasi oo ay gacanta ku hayaan xoogaga Xuutiyiinta Shiicada ah.

Mucaaradka Xuutiyiinta ayaa maamulayay mudo 3 sano ah magaaladan badda Cas ku taalla, oo 150-KM dhanka Koonfur Galbeed uga beegan caasimadda Yemen ee Sanca.

Dowladda Imaaraadka Carabta oo qeyb ka ah isbaheysiga Sacuudiga, ayaa sheegtay in maanta ay ku ekeyd waqtigii loo qabtay Xuutiyiinta inay uga baxaan magaaladan dekedda leh.

Xudeyda waa magaalo muhiim u ah cunnada iyo gargaarka la geeyo Yemen, waxaana gudaha iyo hareeraha magaaladaas ku nool 600,000 oo qof.

Dowladda dibed-joogga ah ee Yemen ayaa bayaan ay maanta soo saartay ku sheegtay in qabshashada Yemen ay muhiim u tahay dagaalka ay ugu jirto inay dib gacanta ugu dhigto maamulka dalka.

QM ayaa sheegtay in saddexdii sano ee uu socday dagaalka Yemen lagu dilay 10,000 oo qof oo badankood ku dhintay duqeymaha ay fuliyaan isbaheysiga Sacuudiga.

Sacuudiga iyo Iran ayaa loolankooda gobolka waxuu saameyn ku yeeshay dalal badan oo Yemen, Lubnaan iyo Syria ay kamid yihiin, kuwaasi oo colaad ay ka hurinayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM