Zelenskyy: “Ukraine waxay wajahaysaa laba doorasho — in ay lumiso sharafkeeda ama saaxiibtinimada Mareykanka”

Image

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in dalkiisu uu marayo xaalad adag oo u dhaxaysa laba doorasho oo midkoodna aan sahlanayn: in Ukraine ay “lumiso sharafteeda” ama ay “lumiso xiriirka muhiimka ah ee ay la leedahay Maraykanka,” xilli uu sii xoogeysanayo cadaadiska dagaalka iyo hoos u dhaca taageerada caalamiga ah.

Zelenskyy ayaa hadalkan ka sheegay wareysi uu bixiyay, isagoo tilmaamay in Mareykanku uu yahay saaxiibka ugu weyn ee Ukraine ee dhanka difaaca iyo dhaqaalaha, balse uu doonayo in Kyiv aysan beddelin madaxbannaanideeda siyaasadeed iyo qaranimadeeda si ay u sii haysato taageerada Washington.

“Waa doorasho u dhaxaysa inaan sharafkeena ilaalino ama inaan luminno taageerada Mareykanka,” ayuu yiri, isaga oo ku adkaystay in Ukraine aysan aqbali doonin wax heshiis ah oo shuruudo liita ku qasbaya ama ku wiiqaya difaaca qaranka.

Hadallada Zelenskyy ayaa imaMadaxweynaha Ukraine wuxuu ku nuuxnuuxsaday in dalkiisu u baahan yahay taageero joogto ah, balse ay ka sarreyso baahidaas ilaalinta karaamadooda. naya xilli siyaasadda gudaha Mareykanka iyo madmadowga Congress-ka ay curyaamiyeen go’aamo muhiim ah oo ku saabsan gargaaraha Ukraine, taas oo Kyiv ka dhigeysa mid si sii kordheysa ugu tiirsan go’aamada siyaasiyiinta Washington.

Madaxweynaha Ukraine wuxuu ku nuuxnuuxsaday in dalkiisu u baahan yahay taageero joogto ah, balse ay ka sarreyso baahidaas ilaalinta karaamadooda. “Haddii sharafku lumo, qaranimadu way baaba’aysaa,” ayuu yiri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM