Guddiyada Dastuurka Soomaaliya oo ka cabanaya Wasiir Xoosh [Daawo]

Image

GAROOWE, Puntland- Wasiirka wasaaradda Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, ayaa lagu eedeeyay inuu afduubtay howlihii Guddiyada loo xil-saaray dib u eegista Dastuurka dalka Soomaaliya, xilli uu maanta ka dhoofay magaalada Garoowe oo uu dhowr cisho u joogay shaqooyin la xariira arrimahaas.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Dastuurka ee Barlamanka labada Aqal ee Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Kaamil, oo waraysi gaar ah saaka siiyay Warsidaha Garowe Online, ayaa sheegay in Xoosh uu af-duubtay shaqadii guddiga islamarkaana uu marin habaabinayo Dastuurka dalka, taasoo qoorta u surnaa muddo ka badan 10 sano.

Kaamil, ayaa sidoo kale mas'uulkaas ku eedeeyay inuu Guddigan kula kacay gabood fal ah inuu tifaftir ku sameeyay hadallo ay ka sheegeen warbaahinta oo laga sii daayay Telefishinka Qaranka Soomaaliya.

"Waxaa jirta in wasiirku wado waxyaabo caqabado ah oo warbaahinta xitaa kii Qaranka uu labada guddi kala dagaallamayo, xalay markaan Telefishinka daawaday Guddigii Madaxa bannaana waa ka go'naa, wuu ka jaray, taas ayaan wasiirka u haysanaa," ayuu hadalkiisa ku daray Xildhibaan Kaamil oo sababta uu arrinta u sameeyay wasiir Xoosh ku tilmaamay in sababta uu ficilkan u sameeyay ay tahay inay bannaanka soo dhigeen arrimo siyaasadeed.

Xildhibaanka, ayaa sidoo kale xusay inaysan ku qanacsanayn, qaabka Wasaaraddu wax u wado islamarkaana wuxuu cadeeyay inaysan meelna kasoo galin howlaha Dastuurka iyo dib u eegistiisa.

"Shaqada wasaaraddu wado wallaahi kuma qanacsanin," sidaas waxaa yiri Xildhibaanka oo aad uga xumaa habka sharciga khilaafsan Xoosh ku dhaqmayo.

Isagoo sii waramaya wuxuu mudane Kaamil shaaciyay inuu jiro khilaafaad u dhaxeeya labada dhinac kuwaasoo markii dambe lagu xalliyay nidaam aan waafaqsanayn sharciga dalka, taasoo keentay in shaqadu ka socoto hal dhinac.

"Dastuuriyan Wasaaraddu meelna kama soo gasho howsha, Lix bilood baan is-haysanay oo aan isku dhaganayn, xeer jajab ayaan markii dambe ku heshiinay anagoo is lahayn Soomaali waa ku daashay is-qababsi oo waxaan is lahayn wuxuun baa hagaagaya," sidaas waxaa yiri Kaamil.

Sidoo kale wuxuu walaac ka muujiyay go'aankii uu Xoosh Jibriil geeyay Madashii Qaranka, taasoo uu ku sheegay in Dib u eegista Dastuurka la dhammaystiri doono 2018, taasoo ay ku macneeyeen inay tahay qorshe mustaxiil ah.

Mar uu GO wax ka weydiiyay Guddoominaya qaabka lagu ansixin doono Dastuurka Soomaaliya, wuxuu sheegay inuu noqon doono Afti dadweyne, wuxuuna ka biyo diiday nidaamka Wasiirkan uu wax u wado ah oo lamid ah qorshihii lagu ansixiyay sannadkii 2012.

Dhinaca kale Warsidaha Garowe Online ayaa tan iyo shalay isku dayay inuu arrinta wax ka weydiiyo Wasiir Xoosh oo maanta ka dhoofay magaalada Garoowe, wax yar uun kadib markii ay la kulmeen Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland iyo qaar kamid ah golaha xukuumadda maamulka.

Sidoo kale Garowe Online ayaa xiriir la sameeyay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka Soomaaliya, Dr Maxamed Daahir Afrax, kaasoo aan diidmo iyo yeelintaan u muujin Warsidahan oo danaynayay inuu kala hadlo habka wada-shaqayneed ee u dhaxeeya dhinacyada kawada arriminaya Dib u eegista Dastuurka Soomaaliya.

11-kii bishan ayay ahayd markii Wafdi uu hogaaminayo Wasiir Xoosh uu soo gaaray magaalada Garoowe, taasoo aan ahayn markii ugu horaysay tan iyo markii xilka loo magacaabay sannadkii hore uu qorshe caynkan ah u yimaado magaalada Garoowe. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Tayeynta waxbarashada dugsiyada sarre Puntland oo laga shiray

Guddiga ayaa ballan qaaday in Golaha Wakiilladu uu ka shaqeyn doono sidii loo xoojin lahaa adeegyada waxbarashada.

  • Puntland

    17-10-2024

  • 04:42AM

Puntland: Xaalada maxaabiista gobolka Nugaal oo loo kuur-galay

Guddigu waxay ku booriyeen Booliska inay sii wadaan dedaalka ay ugu jiraan sugidda Amniga.

  • Puntland

    17-10-2024

  • 04:27AM