Puntland: Maxkamad lasoo taagay rag ka ganacsanayay Geed Quwaaxa

Image
Maxkamadda Derejada koowaad ee Degmada Garowe gobolka Nugaal ayaa xukun kasoo saareysa kiiskan.

GAROWE, Puntland - Maxkamadda Derejada koowaad ee Degmada Garowe gobolka Nugaal ee Puntland ayaa maanta oo Isniin ah waxay u fadhiisatay dhagaysiga garmaqalka kiiska Geed Quwaaxa.

Kiiskan ayaa waxaa eedeysanayaa ka ah Abshir Cabdiraxmaan Xasan, Cawil Muuse Xirsi iyo Shamsu-diin Xasan. Eedeysanaha saddexaad ayaa maqane ah iyadda oo laamaha amniga raadinayaan.

Xeer-ilaalinta ayaa waxay maxkamadda usoo bandhigtey qaar kamid ah caddeymaha lagu soo qabtey eedeysaneyaasha oo ay kamid yihiin Geedka Quwaaxa.

Abshir iyo Cawil ayaa, sidda ay sheegtay xeer-ilaalinta, waxaa lagu soo qabtey Geedkan iyaga oo doonayay in ay ka dhoofiyaan magaaladda Garowe ee caasimadda dowladda Puntland.

Qareenada difaacayay eedeysaneyaasha ayaanan wax su'aal ah gelinin caddeymaha la horkeenin maxkamadda hase ahaatee waxay codsadeen in xukunka laga qafiifiyo muwakiliintooda.

Gudoomiyaha Maxkamadda, Cabdikariim Maxamed Aw-nuur oo fadhiga soo gabagabeeyay, ayaa sheegay in dhageysiga galkan uu soo gabagaboobo isla markaana xukun soo saarayaan.

"Xukunka waxa uu soo bixi doonaa maalinta Arbacada ah," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay. Waa kiiskii ugu horeeyay noociisa ah oo Maxkamadaha Puntland ay qaadaan taasoo talaabo muhiim ah.

Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada ee Puntland ayaa horey usoo amar lagu mamnuucayo jarida sharci darada ee dhirta waxaana maxkamadeyntan ay muujineysaa dhaqan-galka amarkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM