Puntland: Saxida khaladaad ka jiray qaadista canshuuraha oo laga shiray

Image
Guddoomiyaha Guddiga Goobta shaqada ee Wasaaradda Maaliyadda ahna Agaasimaha guud ayaa guddoomiyay shirkan.

GAROWE, Puntland - Guddoomiyaha Guddiga Goobta shaqada  ee Wasaaradda Maaliyadda ahna Agaasimaha guud Mudane Axmed Jaamac Jowle oo ay weyeliyaan qaar kamida xubnaha Guddiga goobta shaqada ayaa shir gudoomiyey kulan u dhexeeyey guddiga iyo qaar ka mida Maasuuliyinta Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Barri.

Kulankan oo loogu yeeray Maamulaha Cashuuraha beriga, Maamulaha kastamka Garoonka Diyaaradaha iyo Khasnajiyada Wasaaradda ee gobolka.

Kulankan wuxuu qayb ka ahaa sixidda shaqada Wasaaradda iyo la xisaabtanka masuuliyinta heer gobol si hormar looga sameeyo lana saxo caqabadaha dhanka shaqada ah lana hirgaliyo talo soo Jeedinadii xafiiska Hantidowrka Gudaha Wasaaradda Maaliyadda ee uu ka soo gud biyey Gobolada Bari, Karkaar iyo Mudug

Ugu dambayn kalanka ayaa laysla qaatay in la saxo dhammaan khaladaadkii maamul ee horay u jiray si loo hor mariyo hannanka shaqo ee dakhliga loona gaaro hiigsigiga xukuumada ee kor u qaadida dakhliga gudaha dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM