Odayaasha soo xulaya baarlamaanka Galmudug oo la magacaabay

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Guddiga doorashooyinka Galmudug ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigay liiska odayaasha soo xulaya Xildhibaanadda baarlamaanka cusub ee maamulkaas.

Liiskan ayaa waxaa lagu wareejiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo gacanta ku haysa coddeynta oo lagu waddo in ay qabsoonto bisha soo aadan ee December sanadkan 2019-ka.

Wadarta guud ee odayaasha ah ayaa ah 44-xubnood, waxaana lagu wadaa in maanta oo Sabti ah ay gudaha galaan soo xulista mudaneyaasha cusub ee Golaha Wakiiladda dowlad goboleedkan Soomaaliyed.

Talaabadan lagu shaaciyey odayaasha ayaa imaaneysa xili Ahlu Sunna ay diidan tahay qaabka iyo qorshaha xukuumadda federaalka Soomaaliya ay ku wajaheyso doorashadda Galmudug oo isha lagu hayo.

Dhinaca kale, xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir ayaa wuxuu ka digay ciidamo Itoobiyaan ah oo uu tilmaamay in Villa Soomaaliya damacsan tahay in ay u adeegsato "afduubashadda doorashadda maamulkan".

Ciidamadda Itoobiya ayaa horey loogu diiwaan geliyay in ay gacma gacmeeyeen doorashadii Koonfur Galbeed bishii December ee sanadkii 2018-kii taas oo uu kusoo baxay murashaxii ay wadatay dowladda.

Madasha Xisbiyadda Qaran oo cambaareeyay talaabooyinka ciidamadda Itoobiya ee aan kamid ahayn AMISOM ayaa ra'iisul wasaare Abiy Axmed ku booriyey in uu qaado talaabo degdeg ah.

Doorashadda dowlad goboleedka Galmudug oo tan iyo aas-aaskiisa uu la degay khilaaf siyaasadeed iyo mid awood qeybsi ah ayaa muhiim u ah coddeynta guud ee dalka ka qabsoomeysa sanadka dambe.

Hoos ka akhriso liiska

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Bogaadisey Ciidamada Puntland ee Ka Dagaallamaya Cal-Miskaad

Golaha Wasiirrada ayaa ugu dambeyntii sheegay in taageerada dowladda ay si joogto ah ugu socon doonto ciidamada Puntland.

  • Soomaliya

    06-02-2025

  • 11:39AM

Ciidamada Puntland oo dilay 57 Xubnood oo Daacish ah

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale ku guuleystay inay jebiyaan weerar culus oo ay kooxda Daacish ku soo qaadey, iyagoo qabtay dhul muhiim ah.

  • Soomaliya

    05-02-2025

  • 02:49PM