Ciidamada Puntland oo dilay 57 Xubnood oo Daacish ah

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Soomaaliya – Ciidamada la-dagaalanka argagixisada Puntland ayaa soo bandhigay meydadka 57 xubnood, oo ka tirsan kooxda Daacish, kuwaas oo badankoodu yihiin ajaanib lagu dilay dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Calmiskaad, gaar ahaan aagga Togajaceel.

Xubnaha ayaa la dilay kadib howlgallo dhulka iyo cirka ah oo dhacay Maanta, iyadoo sidoo kale la qabtay hub iyo qalab kale oo muhiim ah, oo ay kooxda Daacish lahayd, waxaana Ciidamada ay kusii siqayaan goobihii ugu dambeeyay ee Cal-Miskaad.

Sida aan ka soo xiganay ilo xog-ogaal ah, ciidamadu waxay gacanta ku dhigeen dhul muhiim ah oo horey ugu sugnayd kooxda Daacish. Dagaalka ayaa waxaa ku jira Argagaxiso ajaaniib ah, oo ka kala yimid dalal kala duwan, taasoo muujinaysa in kooxda Daacish ay u doonaysay inay gabaad ka dhigato Puntland, maadama Bariga Dhexe looga soo adkaadey.

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale ku guuleystay inay jebiyaan weerar culus oo ay kooxda Daacish ku soo qaadey, iyagoo qabtay dhul muhiim ah. Guulahaas ayaa la sheegay inay qeyb ka yihiin dadaallada amni ee Puntland.

Talaabooyinka ciidamada Puntland ee ka dhanka ah Daacish ayaa ah kuwo lagu xaqiijinayo amniga iyo ilaalinta xuduudaha, iyadoo sidoo kale ay ciidamadu sii wadi doonaan howlgallada si loo xakameeyo argagixisada ka imanaya dibadda iyo gudaha dalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM

Masar iyo Jabuuti oo Mar Kale Xaqiijiyay Taageerada Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Wasiirradu waxay sidoo kale muujiyeen taageeradooda hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 08:05AM