Dowladda Soomaaliya oo Bogaadisey Ciidamada Puntland ee Ka Dagaallamaya Cal-Miskaad

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa si weyn u bogaadiyey ciidamada geesiyaasha ah ee Dowlad Goboleedka Puntland, kuwaas oo guulo waaweyn ka gaarey dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Golaha Wasiirrada ayaa tilmaamay in ciidamada Puntland ay muujiyeen geesinimo iyo karti, iyagoo si adag uga hortagay cadowga iyo khatarta ay wadeen, taas oo ka dhigtay mid ka mid ah guulaha ugu weyn ee laga gaaro dagaallada gobolka Bari.

Go’aanka Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale ahaa in dhammaan hey’addaha dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaataan doorkooda waxtarka leh ee ku aaddan garab istaagga ciidamada Puntland iyo shacabka, si loo xaqiijiyo guulo dheeraad ah iyo in si wadajir ah looga hortago cadowga.

Soomaaliya ayaa muujisay taageero buuxda oo ay u fidineyso ciidamada Puntland iyo shacabka deegaanka, iyada oo sidoo kale caddeyneyso in dagaalka lagula jiro Daacish uu yahay mid ka mid ah howlaha ugu muhiimsan ee looga hortagayo amni darrada iyo xasillooni la'aanta gobolka.

Golaha Wasiirrada ayaa ugu dambeyntii sheegay in taageerada dowladda ay si joogto ah ugu socon doonto ciidamada Puntland, kuwaas oo horey u muujiyey dadaal iyo geesinimo ku aaddan la dagaallanka kooxaha argagixisada ee dalka ka howlgala.

Dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inay siyaasadeysay dagaalka argagaxisadda, oo Beesha Caalamka dhaqaale badan ku bixiyo, taasoo dhabar-jab ku ah geedi-socodka dib u dhiska dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM