Puntland: Gaas oo xil cusub u magacaabey Cumar Faraweyne

Image

GAROOWE, Puntland - Madaxwaynaha Puntland, Cabdiweli Gaas, ayaa Cumar Cabdullaahi [Cumar Faraweyne] u magacaabey Taliyaha ciidanka Keydka, sida ku cad digreeto ku taariikheysan 2/10/2018 oo xafiiska Madaxweynaha kasoo baxday.

Farawayne ayaa horey usoo noqdey taliyaha ciidamada ilaaladda Madaxtooyadda iyo Gudoomiyaha gobolka Nugaal, xilkaasi oo uu 24-kii bishaan ka xayuubiyey Madaxwayne Gaas.

Magacaabista uu sameeyay Gaas ayaa qayb ka ah isbedalo uu maalmihii u dambeeyay ku sameynay hay'addaha nabad-gelyada, taasi oo aanan la ogayn qorshaha uu ka leeyahay maadaama muda xileedkiisu gabaabsi yahay.

Dabayqaadii bishii hore ee September, Gaas ayaa taliyaal cusub u magacaabey Hay'adda la dagaalanka mukhaadaraadka iyo taliska ciidamadda Xasilinta ee gobolka Nugaal.

Talaabooyinkaan ayaa imaanaya xili Madaxwayne Gaas horey loogu eedeeyay maamul xumo, musuq-maasuq, fashil dhanka amniga oo faraha ka baxaya iyo in xilalka uu magacaabayo uu u dhiibo shaqsiyaad ay reer ahaan iska dhaw yihiin.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA:

Xeer Madaxweyne Lr.135 October 2, 2018, kuna saabsan magacaabid Taliaya Ciidanka Kaydka ah ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu Arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo

Wuxuu Xeeriyey:

Waxaa G/Sare Cumar Cabdullaahi Maxamed (Cumar Fara-weyne ) loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Kaydka ah ee Dowladda Puntland.

Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu saxiixo wuuna saxiixay madaxweynuhu.

-DHAMMAAD-

Related Articles

Deni: We will not sit idle and wait for external support in the ISIS battle

So far, the local security teams have killed over 60 terrorists, destroying several bases in the process within the Bari region.

  • Puntland

    08-02-2025

  • 10:40AM

Puntland Kaligeed Ayay Ku Jirtaa Dagaalka – Madaxweyne Deni oo Ka Hadlay Howlgalka

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in dowlado qaar ay gacan ka geysteen…

  • Puntland

    06-02-2025

  • 04:37PM