Puntland Kaligeed Ayay Ku Jirtaa Dagaalka – Madaxweyne Deni oo Ka Hadlay Howlgalka
BOSASO(GO) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka hadlay dagaalka ka socda buuraleyda Al-Midkaad, halkaas oo ciidamada Puntland ay dagaal kula jiraan kooxaha argagixisada ee IS. Madaxweynaha ayaa ugu horreyn u mahadceliyay dhammaan howlwadeenada dowlada iyo shacabka Puntland oo taageeraya howlgalka ciidamada ee loogu magac daray “Hilaac.”
Madaxweyne Deni ayaa tacsi u diray ehellada ciidamadii ku shahiiday dagaalka, isaga oo xusay geesinimadooda iyo naf-hurnimadooda difaaca dhulka Puntland. Wuxuu sheegay in dagaalkan uu noqon karo mid waqti dheer qaata, loona baahan yahay saanad, sahay, iyo taageero buuxda.
Madaxweynaha Puntland ayaa baaq culus u diray qurba-joogta reer Puntland, isaga oo ugu yeeray in ay si degdeg ah uga qayb qaataan dagaalka socda.
“Waxaad soo yareysaan shirarka aad ku jirtaan, waxaad laydanka ka rabaa in aad ficil u badashaan. Xaalad adag ayay Puntland ku jirtaa, dagaalkani waa mid masiiri ah,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Wuxuu xusay in ciidamada Puntland ay u baahan yihiin taageero dhameystiran, oo ay ku jirto mid dhaqaale, hub, iyo daryeel caafimaad.
Madaxweyne Deni ayaa si cad u sheegay in Puntland ay kaligeed ku tahay dagaalka ay kula jirto argagixisada, isagoo carrabka ku adkeeyay in aysan jirin cid kale oo si buuxda uga garab taagan.
“Puntland waxay go’aansatay iney isku filnaato, cidii wax naga tari karta waan soo dhaweynaynaa, laakiin gacmaha ma laabaneyno haddii kale,” ayuu yiri madaxweynaha.
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in dowlado qaar ay gacan ka geysteen dagaalka, gaar ahaan dhinaca cirka, hase yeeshee uu tilmaamay in ay tahay mid aad u xaddidan marka loo eego baahida ciidamada.
“Waxaan bogaadinayaa wadamada qaar oo dhinaca cirka nagala qayb qaatay dagaalkaan, laakiin marka dhabta la eego, ma jiro hal xabbad oo Puntland dibadda looga keenay, ciidamada naftooda huraya iyo dhaawacyada la gurayo cid taageertay ma jirto,” ayuu yiri madaxweyne Deni.
Madaxweyne Deni ayaa hoosta ka xarriiqay in dagaalka ay Puntland kula jirto argagixisada uu yahay mid ay la dagaallamayaan dad aan Soomaali ahayn.
“Kooxdan argagixisada ah waa ajaanib. Dad Soomaali u muuqaal eg kuma jiraan, kuwii ugu dhow waxay kasoo jeedaan Itoobiya iyo Tansaaniya. Inta kale waxay ka yimaadeen Bariga Dhexe, Pakistan, iyo Afghanistan,” ayuu yiri madaxweynaha.
Wuxuu sheegay in kooxahani yihiin dad ay dalalkoodii iska soo eryeen, kuwaas oo Puntland u arkay meel gabaad ah.
Madaxweynaha Puntland ayaa ugu dambeyn baaq u diray shacabka Puntland, isaga oo ugu yeeray in ay feejignaadaan islamarkaana ay xuduudaha xiraan si looga hortago in kooxaha argagixisada ah ay baxsadaan.
“Dagaalkani waa mid naf-hurnimo u baahan. Waa in aynu mideysnaado dadaalkeena oo aynaan u oggolaan argagixisada in ay gabaad ka dhigtaan dhulkeena,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Madaxweyne Deni.
Dagaalka ka socda buuraleyda Al-Midkaad ayaa ah mid ay ciidamada Puntland guulo ka ka gaareen, balse weli waxaa socda dagaal adag oo u baahan dadaal iyo taakulo buuxda sida xogo muhiim ah sheegayaan.
GAROWE ONLINE