Madaxweyne Deni oo Tusaale U Noqday Dagaalka Argagixisada Soomaaliya

Image

Boosaaso — Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullahi Deni, ayaa noqday tusaale ku dayasho mudan kadib markii uu galay dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish, isagoo haysan taageero caalami ah ama mid ka yimid dowladda Soomaaliya, balse si weyn shacabkiisa ugu garab istaagay howlgallada ciidamada kawadaan buuraha gobolka Bari.

Howlgalka isku-tashiga ah ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Deni ayaa lagu guuleystay in si degdeg ah looga saaro Daacish inta badan goobihii ay kaga sugnaayeen Buuraha Cal-Miskaad, iyadoo guulaha laga gaarey ay ka badnaayeen kuwii laga filayay. Ciidamada ayaa qabsaday xarumaha muhiimka ah ee kooxda, oo ay ku jireen xafiisyadii taliska, keydkii hubka, raashinka iyo goobihii tababarka.

Si kastaba, madaxweynaha Puntland ayaa si gooni ah ugu sugnaa Boosaaso, isagoo ka soo tagay xafiiskiisa Madaxtooyadda ee Garowe, si uu u abaabulo howlgalka iyo inuu shaqsiyan uga qeyb qaato xaaladda caafimaad ee ciidamada, isagoo booqday dhaawacyada, kuwaasoo qaarkood dibadda loo qaaday, si loogu daweeyo.

Tallaabadan ayaa muujinaysa taageerada ballaaran ee shacabka Puntland oo qeyb ka ah guulaha muhiimka ah ee ay gaareen ciidamada, kuwaasoo si joogto ah uga hortagaya argagixisada iyo kooxaha kale ee amniga dalka khatar ku ah. Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale noqday calaamad u ah hoggaamiye si dhab ah uga go'an nabadda iyo difaaca dhulka Puntland, taasoo dhiirrigelisay kalsoonida shacabka iyo taageerada caalamiga ah ee dagaalka lagula jiro argagixisada.

Si kastaba, dagaalkan ka dhanka ah Daacish wuxuu muujinayaa sida Puntland ay uga go'an tahay la dagaallanka kooxaha argagixisada, iyadoo si gaar ah loo xusay in dowladda federaalka Soomaaliya aysan si buuxda u taageerin dadaalkan. Waxaa jira dareen ah in dowladda dhexe ay siyaasadaysay dagaalka, iyadoo ka xushmeyneysay Puntland. Tani waxay sababtay in Puntland ay ku tiirsan tahay taageerada shacabka iyo dowladaha caalamiga ah si ay u wado hawlgallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Waxaa xusid mudan in dowladda Federaalka Soomaaliya aysan taageerin Puntland dhaqaale ahaan iyo qalab militari intaba, oo ay si weyn ugu baahneyd xilligan adag ee dagaalka ku jirto. Si kastaba, dowladda Puntland iyo shacabka oo isku duuban, ayaa sababay guulaha muuqda ee ka dhashay dagaalka Cal-Miskaad.

Daacish ayaa khatar ku ah amniga Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, iyadoo warbixinadii ugu dambeeyay ee Mareykanka iyo UN-ka soo saareen ku sheegeen in Kooxda awoodeedii ay labo jibaarantay sanadkii hore, islamarkaana tirada dagaalyahanada ajnabiga uga imaanaya caalamka ay kordhayeen.

Dagaalkan ayaa sidoo kale lagu tilmaamay mid muhiim ah oo ka dhashay isku-tashiga iyo isku duubnida shacabka iyo ciidamada, iyadoo Puntland ay si isku-duubni leh uga hortageyso amniga iyo midnimada dalka. Haddii xitaa aan taageero dhab ah laga helin dowlada dhexe iyo caalamka, waxaa muuqata in Puntland ay awood u leedahay inay ka hortagi karto khataraha argagixisada ee soo food saara.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo joojisay soo-galista iyo joogista sharci-darrada ee ajaanibta

Puntland ayaa dhowaan billowday hawlgallo ciidan oo ka dhan ah Daacishta ku sugan buuraha Cal-miskaad iyo Cal-Madow.

  • Puntland

    29-01-2025

  • 08:06AM

Soomaaliya: Puntland oo qabatay Boqolaal xubnood oo Daacish katirsan

Waxay horey ugu guul darreysteen dagaalladii Suuriya iyo Libiya, iyadoo taageero caalami ah ay haystaan, ayuu yiri Dirir.

  • Puntland

    27-01-2025

  • 04:06PM