Abaalmarinta Tartanka Gabayada BBC-da oo Garoowe lagu qabanayo

Image

GAROOWE, Puntland- Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa shaacisay inay sannadkii 2aad qaban doonto tartan dhanka Gabayada ah oo loo qaban doono dumarka da’doodu u dhaxayso 16-35.

Abaalmarinta sannadkan ayaa lagu bixin doonaa magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland sida ay shaaciyeen mas’uuliyiinta BBC-da qaybteeda Soomaaliga.

“Qofka ku guuleysta tartanka iyo labada qof ee kaalmaha xiga soo gala waxaa lagu dhawaaqi doonaa maalinta Arbacada ah ee ay tariikhu ku beegan tahay 18-ka bisha Luulyo 2018, xaflad lagu qaban doono magaalada Garoowe ee dalka Soomaaliya.” Ayaa lagu daabacay barta Internet-ka ee BBC Somali.

Madaxa BBC-da qaybteeda la hadasha Soomaalida, ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid lagu kor loogu qaadayo hanka dumarka gabya islamarkaana lagu siinayo fursad ay kusoo bandhigaan hibooyinkooda gaarka ah.

''Hal abuurka dumarka Soomaaliyeed - haddii ay ahaan lahayd ciyaaro dhaqameedyada ama isticmaalka luuqada- ayaa ah arrin aad iyo aad loo bogaadiyo. Abaalmarinta BBC-da waxa ay soo bandhigeysaa dhaqanka gabayada ee dumarka ku hadla Afka Soomaaliga meel kasta oo ay joogaan, inaga oo siinayna fursad ay kusoo gudbiyaan kartidooda iyo hibooyinkooda,” Sidaas waxaa yiri Tifatiraha Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da Cabdullaahi Cabdi Sheekh.

Sannadkii hore ayay ahayd markii tartanka gunaanadkiisa lagu qabtay magaalada Hargaysa, waana fursad ay ka qaybgalayaan dumarka oo kaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM