Al Shabaab: Weerar ayaan ku qaadnay Ciidanka Puntland ee Galgala

Image

BOOSAASO, Puntland - Kooxda Al Shabaab ayaa sheegtay in weerar madaafiic ah ku qaadey saldhig ciidamada Puntland ku leeyihiin Buuralayda Galgala ee gobolka Bari.

Afhayeenka Al Shabaab ee dhanka howlgalladda Cabdicasiis Abu Muscab ayaa sheegay in ugu yaraan 10 madfac ay ku tuureen saldhigga ciidamada Daraawiishta Puntland ee ku yaalla Afaafka hore ee Galgala.

Abu Muscab ayaa intaasi ku daray in khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ay sababtay madaafiicda, inkastoo uusan sheegin tirada rasmiga ah ee Askarta wax ku noqotay weerarka.

Al Shabaab ayaa sheegtay inay kordhisay weerarada iyo dilalka ay ka fuliso gobolka Bari tan iyo markii uu billowday sanadkan 2018.

Waxay Kooxda sheegatay dilal qorsheysan oo maalmihii Jimcihii iyo Khamiistii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Boosaaso.

Saraakiisha dowladda Puntland wali kama aysan hadlin dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka, oo qeybo kamid ah ay kusoo xoogaysanayaan Kooxaha mintidiinta Al Shabaab iyo Daacish.

Sanadkii lasoo dhaafay ee 2016, Al Shabaab ayaa weeraradii ugu khasaaraha badnaa ka fulisay Puntland, kuwaasi oo uu kamid ahaa midkii lagu qaadey saldhiga ciidamada Af-Urur bishii June, kaasi oo lagu dilay Askar badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM