Badda oo kusoo fatahday Caluula iyo Xaalad adag oo ka taagan
CALUULA, Puntland - Qoysas badan oo ku noolaa degmada Caluula, ee gobolka Bari ayaa soo wajahday xaalad aad u adag, kadib markii Habeen hore ay kusoo fatahmeen biyaha badda.
Mowjadaha badda oo aad u kacsan ayaa garaacay magalaada, iyadoo ka la tagtay guryihii ay dadka ku noolayeeen iyo xoolihii ay dhaqanayeen, oo ari u badan, sida ay sheegtay mid kamid ah dadka deegaanka oo Radio Garowe la hadashay.
Faadumo oo kamid ah dadka ku nool Caluula ayaa ka warbixisay saameynta fatahaadda badda, iyadoo sheegtay in qeybo kamid ah degmada Caluula ay biyaha qaadeen, waxaana barakacay qoysas badan markii guryahoodii ay fatahaadda burburisay.
Dadka shacabka ah ee ku xoolo iyo guryo waayay masiibadda, ayay sheegtay Faadumo in hadda ay meel banaan ah jiifaan, iyagoo aan loo sameynin wax gurmad bini'aadanimo ah .
Waxay qaylo dhaan u dirtay dowladda iyo shacabka Puntland, oo ka codsatay inay caawiyaan dadka ay saameysay Badda ku fatahday degmada Caluula, oo xaalad adag oo dhanka nolosha ah hadda soo wajahday.
"Waxaan codsanaynaa in gargaar naloo fidiyo, oo naloo yimaado, dadka meel cidlo ah ayay joogaan, xitaa baco ay qabowga ka galaan ma haystaan, habeen iyo maalin mowjado ayaa na garaacaya, qeyb kamid ah magaalada biyaha badda ayaa la tagey," ayay tiri Faadumo.
Degmada Caluula, oo 79Km u jirta Boosaaso, ayaa shacabka degan waxay sheegeen in dowladda Puntland ay ka gaabisay wax u qabashada dadka ku nool magaaladaasi oo dhowr jeer biyaha badda kusoo fataheen.
GAROWE ONLINE