Bandhig Carwo Shaqo oo Garowe laga furay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Carwo lagu soo bandhigayo Shaqooyin kala duwan oo kor u dhaafaya boqol ayaa maanta ka furmay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, waxaana kasoo qayb galay qaybahaha kala duwan ee bulshada.

Bandhigan oo noqonaya kii 2aad ee lagu qabto caasimadda Puntland, ayaa waxaa sannadka soo qaban-qaabiyay Madbacadda SCANSOM iyo Somsmsjobs, iyadoo lagu casumay marti kala duwan iyo dad xog ogaal u ah fursadaha shaqo ee ka banaan waddanka.

Qaar kamid ah mas'uuliyiintii ka hadlay furitaanka carwada ayaa sheegay inay qorshahan uu dhiirigalinayo dhalinyarada islamarkaana uu yaraynayo kala qoqobnaata u dhaxeeya dadka shaqada bixiya iyo shaqadoonka.

Dhanka kale waxaa isla munaasabadda dhexdeeda lagu qabtay dood ay ka qaybqaateen dad leh hal abuur ganacsi, kuwaasoo wax laga weydiiyay sida kor loogu qaadi karo shaqo abuurka dhalinyarada islamarkaana lagu yarayn karo fikradaha qaldan ee laga aaminsanyahay Soomaaliya.

Khubaradan ayaa soo bandhigay in waddanka uu leeyahay fursado badan balse loo baahanyahay in lala yimaado karti iyo ka go'naansho ah in shaqada laga bilaabo halka ugu hoosaysa.

Sannadkii hore waxaa Carwadan laga shaqaalaysiiyay dhalinyaro badann oo badankooda ay qaateen Shirakaadka gudaha.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli uu heer sare marayo xadiga shaqa la'aanta da'yarta Soomaaliyeed kuwaasoo inta badan sabab uga dhiga shaqa la'aantoodu inay la xariirto musuq-maasuq.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM