Cali Xaaji oo raali galin ka bixiyay qayb kamid ah waraysi laga qaaday

Image

GAROWE, Puntland- Cali Xaaji Warsame oo wasiir ka soo noqday Puntland ayaa raali galin ka bixiyay hadal uu dhawaan ku sheegay Waraysi uu siiyay Deparani, kaasoo uu kaga hadlay xaaladda Puntland dhaliilna ugu soo jeediyay Madaxweyne Gaas.

Qoraal uu caawa soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku beeniyay hadalkii hore oo u dhacayay in hadii 2014 la dooran lahaa Madaxweyne Farole in Puntland gali lahay qalalaaso siyaasadeed iyo mid amni.

“Puntland inuu isbadal ka dhaco aad bay u fiicnayd, hadii Madaxweyne Farole soo noqon lahaa dhib weyn baa ka dhici lahaa.” Xaaji ayaa sidaas ku sheegay waraysi laga qaaday oo la baahiyay 12 July 2018.

Xaaji ayaa hadalkiisa dambe oo uu cinwaan uga dhigay Cadayn iyo Cudurdaarasho, wuxuu ku tilmaamay in Madaxweynihii hore xaq u lahaa guusha tartankii waqtigaas dhacay islamarkaana ay aqbali lahaayeen, hadalkii ka tagayna uu ahaa mid aan sax ahayn.

“Waxaan caddeynayaa in aysan arrintaasi sax aheyn, Madaxweyne Faroole uu xaq u lahaa in uu tartamo, uuna aad ugu dhowaadey in uu doorashada ku guuleysto, haddii uu ku guuleysan lahaana uu xaq buuxa u lahaan lahaa in uu noqdo Madaxweynaha Puntland oo sharciga ah, intayadii musharixiinta aheydna ay xaq nagu aheyd in aan u hogaansano natiijada doorashada, taasina waa dhaqan-siyasadeedka Puntland oo ah in qofkii doorashada ku guuleysta loogu hanbalyeeyo.” Sidaas waxaa qoraalkiisa Facebook ku sheegay Cali Xaaji Warsame.

Cudurdaarka Cali Xaaji ayaa yimid kadib markii uu eedaymo badan kala kulmay dadweyne kala duwan oo ka falceliyay warasigaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM