Caynsane oo hogaaminaya Natiijada Doorashada MAP

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Waxaa soo gaba-gaboobay tirinta codadka doorashada murashaxiinta ururka Warbaahinta Puntland ee MAP, taasoo saaka ka bilaabatay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Saddex Murashax oo kala ah; Maxamed Daahir Caynsane, Maxamed Maxamud (Well Hajji) iyo Abaadir Cabdulqaadir Cilmi, ayaa ka qayb galaysay doorashada, kadib markii uu tanaasulay Ibrahim Muse Daharaan (Waddani).

Waxaa codaynaysay Ergay gaaraysa 94 Wariye oo laga soo xulay dhammaan gobollada Puntland.

Guddiga ka kooban 5 xubnood ayaa hogaaminaya doorashada ururka Warbaahinta Puntland ee MAP, kuwaasoo ku dhawaaqay natiijada Wareega koowaad.

Saddexda Murashax ee tartantay ayaa codadka u kala helay; Caynsane (41) waxaana ka xumaaday hal cod, Abaadir Cabdulqaadir Cilmi (30), halka Well Hajji uu helay (22) cod.

Wareega 2aad waxaa u gudbay Maxamed Daahir Caynsane iyo Abaadir Cabdulqaadir, kuwaasoo ku kala bixi doona Cod dheeri.

Doorashada ayaa sii socon doonta, waxaana Guddoomiyaha kadib la guda gali doonaa Codaynta Guddoomiye ku-xigeenka, Xoghayaha iyo Khasnajiga ururka MAP.

Codaynta oo u dhacaysa qaab Qarsoodi ah, waxaa korjoogtaynaya mas’uuliyiin katirsan Garsoorka, xukuumadda iyo ururrada bulshada rayidka ah ee Puntland.

Waa doorashadii 2aad ee MAP samayso tan iyo markii la aas-aasay Febraayo 2009.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM