Ciidamada dowladda Somalia iyo Shabaab ku dagaallamay gobolka Baay

Image

10 Decemeber, 2015(GO)-Kolonyo gawaari la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda Somalia waxaa saaka jidka u galay mallayshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, waxaana ka dhashay dagaal sababay khasaaro dhawac iyo dhimasho isugu jira.

Dagaalkan ayaa ka dhacay tuulo lagu magacaabo Loon oo ka tirsan degmada Diinsoor ee gobolka Baay.Waxaana wararka aan helayno sheegayaan inay dhinteen saddex ka tirsan ciidanka dowladda, halka khasaaro aan la xaqiijin soo gaaray Al-Shabaab.

Goob joogayaal ku sugan degmada Diinsoor ayaa sheegaya in dagaalkaasi ciidanka dowladda looga furtay qoryaha fud fudud ee loo yaqaano AK47, balse saraakiisha ciidamadu ma shaacin waxayna tilmaameen inuu ahaa weerar gaadmo ah.

Ururka Al-Shabaab ayaa weeraro gaadmo ku gaado ciidamada dowladda Somalia iyo AMISOM ee ku sugan Koonfurta Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM

Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iran kusii wado Dalal Khaliijka Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay taageersan tahay dhammaan dadaallada nabadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka gobolka.

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 08:15PM