Daawo: Bandhiga Buugaagta oo Garowe lagu qabtay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Bandhigii Afraad ee Carwada Buugaagta Garowe ayaa 16 July 2018 lagu qabtay caasimadda Puntland, waxaana kasoo qayb galay madax katirsan dowladda iyo qaybaha kala duwan ee shacabka.

Carwadan oo socon doonta 4 cisho ayaa lagu soo bandhigay in kabadan 400 oo munaadood, ku dhawaad 70 cashar iyo soo jeedino ay samaynayaan ku dhawaad boqol Qoraa oo ka kala yimid dalka iyo dibadda.

Barnaamijkan oo ay iska kaashanayaan qabashadiisa shirkadaha SCANSOM iyo SIDRA, ayaa furitaankiisa waxaa lagu sheegay in sannadkan uu ka duwanyahay kuwii kale maadama ay joogaan wajiyo ku cusub bandhigay iyo qorshayaal kale oo loo soo kordhiyay dadweynaha.

Maxamed Xasan iyo Guuleed Saalax oo ahaa qaban qaabiyaasha Bandhiga ayaa warbaahinta u sheegay in qorshahan uu yahay mid kor loogu qaadayo dhigaalka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Sidoo kale qaar kamid ah qorayaasha lagu casuumay bandhigan oo uu kamid yahay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Cabdi Farax Siciid Juxa ayaa bulshada ugu baaqay inay laga qayb qaato hormarinta qoraalka iyo Akhriska.

Mudada uu socdo Bandhigan ayaa la filayaa in la is weydaarso macluumaad kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM