Dagaal khasaaro geestay oo ka dhacay gobolka Sool

Image

BURTINLE, Puntland - Dagaal culus oo u dhaxeeya labo malleeshiyo beeleed ayaa maanta oo sabti ah waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Dagaalka oo saacado socday uu ka qarxay deegaanno Miyi ah oo ku yaalla xuduuda u dhaxaysa gobollada Nugaal iyo Sool, gaar ahaan nawaaxiga Quriley.

Colaadan oo salka ku haysa deegaan iyo aano qabiil ayaa waxaa ka dhashay khasaarooyin kala duwan oo isagu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay dadka deegaanka ay u sheegeen Warsidaha Garowe Online.

Inta la xaqiijiyay 6 qof ayaa ku dhimatay dagaalka, iyadoo tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo loo qaaday xaruumo caafimaad oo ku yaalla Nugaal iyo Sool.

Waxaa jira barakac xooggan oo ay samaynayaan dad rayid ah kuwaasi oo u cararay deegaanada nabdoon. Maalmo ka hor ayay ahayd markii dagaal labada dhinac dhex maray ay ku dhinteen 10 qof.

Xiisada dagaal ayaa wali ka taagan goobihii maanta lagu dagaalamay, waxaana labada dhinac ay kala helayaan gurmad ciidan iyo gaadiid dagaal.

Goobaha dagaalka uu ka socdo waxaa kamid ah Tuulada Xoorre oo u dhow degmada Burtinle ee gobolka Nugaal. Ma jirto illaa hadda cid kala dhex-gashay beelaha walaalaha ah ee dagaalamaya.

Dagaalkan ayaa dhacay xilli Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu maalintiii 3aad ku sugan yahay magaalada Burtinle, halkaasi oo kulamo kula qaadanayo waxgaradka iyo odayaasha deegaanka.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM