Dowladda Puntland oo ka jawaabtay muddo kororsi lagu eedeeyay

Image

GAROOWE, Puntland- Dowladda Puntland, ayaa war kasoo saaray eedayn uga timid siyaasiyiin la baxay Puntland Focus Group kuwaasoo walaac ka muujiyay in xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Gaas ay qorshaynayso muddo kororsi, xilli waqti kooban ay ka hartay waqtiga xil haynta golayaasha dowladda.

Wasiir dowlaha Xariirka golayaasha ahna Afhayeenka Madaxtooyada Puntland , Cabdullaahi Maxamed Jaamac Quraan-jecel ayaa BBC-da u sheegay in arrinta doorashada loo xil-saaray guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland(TPEC) islamarkaana looga fadhiyo inay ku qabtaan waqtigii loogu talo galay.

"Saad la socotid Madaxweynaha Puntland wuxuu horay u magacaabay guddiga doorashooyinka Puntland, arrimaha doorashooyinkana iyagaa u xil-saaran, nooca doorasho ee ka dhacaysa Puntland horay ayuu u sheegay Madaxweynuhu, in axsaab loo gudbi doono, ururadiina qaar waa la furay, " sidaas waxaa yiri Quraan jecel oo hadalkiisa ku daray, "Laakiin waxaa moodaa inay jirto cabsi mustaqbal dowladduna kama hadlin, guddiga TPEC ayaana u xil-saaran dhinaca dowladda."

Mar wax laga weydiiyay qaabka guddigu shaqada u wado inaysan saamaxayn qabashada doorasho qof iyo cod ah, taasoo keentay in dadku isu diyaariyaan habkii hore ee lagu soo xuli jiray Xildhibaanada, wuxuuna yiri, "Wali dhinaca TPEC kama imaan in hannaankii hore wax ka badaleen, dowladdana uma soo gudbin in nidaamkii hore dowladdu u shaacisay wax ka badalmeen, laakiin hadii ay soo jeediyaan waxaa dowladdu tixgalinaysaa talo soo jeedintooda."

Quraan-jecel ayaa sidoo kale guddiga ku leexiyay su'aal ahayd inay jirto muddo kororsiga la tuhmayo ee ay wado xukuumadda Gaas, wuxuuna sheegay in arrimahaas oo idil dowladda uga mas'uulyihiin Guddiga doorashooyinka Puntland ee TPEC.

Dhinaca kale, mar wax laga weydiiyay arrimaha amniga wuxuu sheegay in dowladdu dagaal badan la gashay argagixisada gaar ahaan Al Shabaab iyo Daacish, wuxuuna tilmaamay inuusan jirin gaabis iyo habacsanaan amni.

Hadalkan ayaa soo baxay wax yar kadib markii Afhayeenka siyaasiyiinta Puntland Focus Group, uu shaaciyay in Gaas uu dabada ka riixayo qorshe looga hadlayo muddo kororsi waqtiga doorashada ah.

Siyaasiyiintan ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay guddiga TPEC oo ay sheegeen inuu hoos yimaato Madaxweyne Gaas, sidaas darteed aysan mas'uul ka noqon karin doorasho ka dhacda maamulkan.

TPEC, kama aysan hadlin warka kasoo yeeray xukuumadda Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Xaqiijiyay Duqeymo ka Dhacay Gobolka Bari ee Puntland

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale eedeeyay madaxweynaha hore ee Mareykanka, Joe Biden, in uusan si degdeg ah uga hortagin ISIS gudaha Soomaaliya.

  • Puntland

    01-02-2025

  • 06:48PM

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM