Duqa Garoowe oo Ballanqaaday inuu si hufan u shaqayn doono

Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Maayarka cusub ee dhawaan Madaxweyne Gaas u magacaabay magaalada Garoowe, ayaa loo sameeyay shalay soo dhaweyn ballaaran xilli uu kasoo laabtay safar uu ku tagay qaar kamid ah waddamada Yurub.

Axmed Ayax oo ah nin dhalinyaro ah ayaa waxaa soo dhaweeyay mas'uuliyiin katirsan golayaasha dowladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan caasimadda Garoowe.

Qaar kamid ah shacabkii soo dhawaynayay oo ka hadlay dareenkooda, waxay sheegeen inuu ku haboonyahay booska loo mgacaabay, waxayna ballanqaadeen inay la shaqayn doonaan.

Mas'uulka cusub oo xilka si KMG ah u sii hayn doona inta laga helayo Gole deegaan rasmi ah, ayaa sameeyay ballan qaad ah inuu xilkan u gudan doono sida ugu haboon, inkastoo uu sheegayay inuu yahay mid wata miisaankiisa culus.

Ayax ayaa tilmaamay inuu diiradda saari doono hormarka caasimadda Garoowe iyo sidii bulshadu u heli lahayd adeegyadii ay u baahnayd.

Maayarka cusub ayaa u mahadceliyay dadkii soo dhaweeyay, wuxuuna sheegay in sida ay ugu muujiyeen shucuurta wanaagsan ay usii wada shaqayn doonaan.

Maayarkan ayaa la magacaabay kadib markii Madaxweynaha Puntland horaantii bishan uu kala diray golihii deegaanka degmada Garoowe, kadib markii lagu eedeeyay is-qabqabsi iyo inay kasoo bixi waayeen shaqadii loo dhiibay.

Caasimadda Garoowe, waxaa hadda ka socda loollanka loogu jiro xulista Xildhibaanada, waxaana Golahaasi ay dooran doonaan Guddoomiye iyo ku-xigeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM