Roobab Dabaylo wata oo laga cabsi qabo inay ku dhufataan Puntland [Dhagayso]

Image

GAROOWE, Puntland- Roobab dabaylo wata ayaa laga cabsi qabaa inay ku dhuftaan qaybo kamid ah xeebaha Puntland gaar ahaan gobollada Bari iyo Karkaar.

Agaasimaha hay’adda Puntland u qaabilsa masiibooyinka(HADMA), Cabdilaahi Xaashi Cayrow, oo la hadlayay Radio Garoowe ayaa sheegay inay jiraan walaac laga qabo in duufaan ay ku dhufato qaybo kamid ah gobollada Puntland.

Cayrow, wuxuu sheegay inay jiraan xogo iyo saadaal sheegaya in roobab dabaylo wata ay ku jiraan dhinaca badda kuwaasoo qaybtood ay iminka ka da’ayaan dalka Cumaan.

Agaasimaha ayaa xusay in saadaashu sheegaya in Roobabkan ay ka samaysmayaan badda India gaar ahaan dhinaca Cumaan oo ay ku wajahantahay balse laga cabsi qabo inay dhinaca Puntland u soo weecato maadama waddankaas uu leeyahay Buuro.

Degmooyinka Caluula iyo Bayla ayuu tilmaamay in laga yaabo inay ku dhufuto, waloow uu xusay inay tahay mid aan khatar badnayn.

Cayrow oo sii waramaya ayaa sheegay inay digniino u direen shacabka ku dhaqan xeebaha Puntland si ay uga gaashaantaan masiibo halkaas ka dhacda.

Dhinaca kale Agaasimaha hay’adda masiibooyinka Puntland, Cabdilaahi Xaashi Cayrow ayaa warbixin kooban ka bixiyay khasaarihii ka dhashay duufaantii Sagar oo martay qaybo kamid ah gobollada Pubtland, wuxuuna xusay in khasaaraheedu uu koobnaa.

2 qof ayuu xusay inay ku dhinteen islamarkaana xoolo aan badnayn ku waxyeellaysay gobolka Sanaag.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM