Farmaajo iyo Gaas oo wadajir saxaafadda ula hadlay [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali, ayaa galinkii dambe maanta si wadajir ah ula hadlay warbaahinta.

Mas'uuliyiintan oo shir jaraa'id ku qabtay xarunta Madaxtooyada Puntland, ayaa ka warbixiyay socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya, uu ku yimid magaalada Garoowe iyo safar la filayo inay ku tagaan qaybo kamid ah gobollada dowlad goboleedka Puntland.

Madaxweynaha Puntland, ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin booqashada Farmaajo iyo xubnaha kala socda dowladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in socdaalkoodu la xariiro sidii ay u ogaan lahaayeen xaaladda guud iyo amniga.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa isna sheegay in socdaalkan uu ku yimid Puntland dhowr jeer oo hore baaqday, sababtuna ahayd duruufo jira, wuxuuna shacabka Puntland ka raali galiyay inta uu kasoo daahay.

Farmaajo, wuxuu shir saxaafadeedkiisan ku sheegay inuu la kulmi doono qaybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan odoyaasha dhaqanka iyo waxgaradka si u uga waraysto xaaladaha jira.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu tilmaamay inuu tagi doono dhowr magaalo oo uusan shaacin, isagoo xusay in arrintan qayb ka tahay dedaalka dowladdu ugu jirto kawar qabka xaaladda guud.

Shirkan jaraa'id ayaa yimid kadib markii maanta wafdi miisaan culus ay soo gaareen Garoowe, kuwaasoo soo dhaweyn diiran loogu sameeyay gudaha iyo garoonka cusub ee diyaaradaha Garoowe, kaasoo aan wali la dhammaystirin dhismihiisa.

Diyaaradii waday Farmaajo, ayaa noqotay tii ugu horaysay ee ka dagtay muddo labo sano ah oo garoonka dhismo lagu wado, waxayna timid xilli la filayo in barri si KMG ah xarigga looga jaro.

Booqashada Farjaamo ee Puntland waa markii ugu horaysay noloshiisa, waxayna kusoo aadaysa xilli xukuumadda hada jirta 08 Janaayo ay u dabaal dagayso 4 sano guuradii kasoo wareegtay markii ay xilka qabatay. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM