Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Image

FAALADA WARKA | Arrimaha ka taagan magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan qabsashada xarunta dowladda hoose, ma aha dhacdo gooni ah ama mid ku kooban hal maalin. Waa astaan ka tarjumaysa dhibaato qoto dheer oo la xiriirta sida reer Gaalkacayood u arkaan dowladnimada iyo ilaalinta sharafta hay’adaha dowladda.

Qoraalka uu soo saaray Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo 7-dii Janaayo 2026, oo uu ku dalbaday in si degdeg ah loo keeno ciidamo isugu jira Daraawiish iyo Booliis si wax looga qabto maleeshiyaad haysta xarunta degmada, wuxuu si cad u muujinayaa heerka halista ah ee ay xaaladdu gaartay. Marka xarun dowladeed oo matasha sharciyadda, nidaamka iyo adeegga dadweynaha ay gasho gacmo aan dowlad ahayn, waxaa meesha ka baxaya kala dambeynta iyo kalsoonidii ay dadweynuhu ku qabi lahaayeen hay’adaha maamulka.

Gaalkacyo waa magaalo gaar ah; waa magaalo laba maamul wada degaan, waqooyigeedana ay ka arrimiso Puntland, koonfurteedana Galmudug. Taariikh ahaan, woqooyiga Gaalkacyo wuxuu soo maray waqtiyo amni-darro culus, gaar ahaan dilalkii iyo weerarradii Al-Shabaab. Si kastaba ha ahaatee, guulo muuqda ayaa laga gaaray la-dagaallanka kooxdaas, kadib iskaashi adag oo dhex maray Dowladda Puntland, oo adeegsanaysay howlwadeennada madaxda ka ah hay’adaha gobolka, iyo shacabka. Taas ayaa caddeyn u ahayd in amniga la sugi karo marka ay jirto wada-shaqeyn dhab ah.

Hase yeeshee, kadib hoos u dhicii khatarta argagixisada, waxaa soo ifbaxay dhibaato kale oo ka sii halis badan: aanooyin qabiil iyo kala shakiga bulshada. Dad badan oo door muhiim ah ku lahaa magaalada ayaa ka guuray, iyagoo ka cabsi qaba in lagu bartilmaameedsado arrimo aysan dembi ku lahayn. Natiijada ka dhalatay kala dambeyn la’aantu waa faaruq maamul, burbur kalsooni, iyo xarumo dowladeed oo noqday meel lagu murmo halkii ay ka ahaan lahaayeen astaan sharci.

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada xarumaha dowladda, halka magaalooyin kale sida Boosaaso — oo ay ku wada nool yihiin qabiillo kala duwan — aysan dhibaatooyinkaas uga dhicin? Jawaabtu kuma jirto kala duwanaanshaha bulshada, balse waxay ku jirtaa sida sharciga loo wada aqbalo, taas oo aad u hooseysa marka la joogo gobolka Mudug.

Dhanka kale, tallaabooyinka horumarineed ee dhawaan laga hirgeliyey Mudug waxay muujinayaan in fursad dhab ah ay jirto. Dowladda Puntland waxay ganacsato ku wareejisay dib-u-dhiska garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, kadib codsi ka yimid wafdi ballaaran oo isugu jiray isimmo dhaqameed, xildhibaano, wasiirro iyo ganacsato, kaas oo kulan ku yeeshay Garoowe, waxaana hoggaaminayay Islaan Bashiir. Sidoo kale, Puntland waxay isku xilsaartay dhismaha waddada isku xirta Bacaadweyn iyo Gaalkacyo, kadib markii mashruucaasi noqday mid Dowladda Federaalka siyaasadeysay, islamarkaana isku dayday in bulshada gobolka ka horkeento Dowladda Puntland.

Haddaba, halkaan ayay su’aashu si dhab ah uga taalo waa :  suurtagal ma tahay in reer Gaalkacyo, sida ay ugu midoobaan marka ay doonayaan mashaariicda lagu horumarinayo gobolka, ay sidoo kale uga hortagaan kuwa qabsanaya xarumaha dowladda? Jawaabta dhabta ah waa haa. Horumar ma jiri doono meel sharciga lagu tunto, dowladnimana ma hanaqaaddo meel hub iyo maleeshiyo lagu maamulo.

Gaalkacyo waxay u baahan tahay go’aan bulsho oo cad: in la kala saaro cabashada siyaasadeed iyo burburinta hay’adaha dowladda. Xarunta dowladdu ma aha hanti qabiil, mana aha goob cadaadis lagu saaro maamulka; waa astaanta nidaamka ay bulshada wada leedahay. Haddii taas la fahmo, horumarka Mudug wuu suurtagalayaa. Haddii kale, su’aasha la isweydiin doono ma noqon doonto “yaa qabsaday xarunta?” balse waxay noqon doontaa “yaa naga hor istaagay mustaqbalkeenna?”

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM