Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub
GAROWE, Puntland - Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee dowladda Puntland ayaa soo saaray amar ku waajibinaya dhammaan wasiirada, wasiir ku-xigeenada iyo wasiiru-dawlayaasha dhawaan la magacaabay inay ku caddeeyaan hantidooda gaarka ah muddo hal bil gudaheed ah.
Wareegto ka soo baxday xafiiska Hanti-dhawrka Guud, Cusmaan Maxamuud Cali, ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay tahay mid waafaqsan Qodobka 77-aad ee Dastuurka Puntland, iyadoo ujeedadu tahay in la sugo hufnaanta maamulka iyo ka hortagga musuqmaasuqa.
Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan, ayna qasab tahay in hantidooda ay ku diiwaangeliyaan xafiiska inta lagu jiro bishooda koobaad ee shaqada.
Qoraalka ayaa lagu nuux-nuuxsaday in hannaankani yahay mid lagu xoojinayo daacadnimada adeegga dadweynaha iyo ilaalinta kheyraadka qaranka, iyadoo la raacayo qodobbada 129-aad ilaa 134-aad ee dastuurka dowladda Puntland.
Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu xusay in Mas'uul kasta oo xilka ka degaya ku waajib tahay inuu soo sheego isbeddel kasta oo ku yimid hantidiisa intii uu xafiiska joogay.
Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu dhawaan sameeyay isku-shaandheyn weyn oo dhanka golihiisa wasiirada ah, waxaana dadka odorosa arrimaha siyaasadda ay tallaabadan u arkaan mid kor u qaadaysa kalsoonida shacabka ay ku qabaan hay’adaha dowladda iyo maamul wanaagga Puntland.
GAROWE ONLINE