Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Image

Muqdisho — Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa ku tilmaamay dirista ilaalada madaxtooyooyinka Puntland iyo Jubaland ee loo soo diray Muqdisho mid ah “khasaarin lacageed,” isaga oo sheegay in ciidamadaasi ay habboon tahay in ay xoogga saaraan la-dagaallanka kooxaha argagixisada ah.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in dalka uu wajahayo caqabado amni oo culus, isla markaana aanay sax ahayn in ciidamo laga soo raro furimaha dagaalka si loogu adeegsado arrimo siyaasadeed. “Ciidanku waa in ay wajahaan cadowga argagixisada ah, mana habboona in loo adeegsado safarro iyo muran siyaasadeed,” ayuu yiri wasiirku.

Hadalkan ayaa jawaab adag ka helay Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Puntland, Cabdifataax Cabdinuur, oo ku eedeeyay Wasiirka Gaashaandhigga “laba-wejiilenimo.” Mudane Cabdifataax ayaa sheegay in dowladda federaalka ay si weyn ugu tiirsan tahay ciidamo shisheeye si loo sugo amniga Muqdisho iyo hay’adaha dowladda.

“Dowladda Federaalka Amnigeeda ayaan gacanteeda ku jirin, cid kale ma sugi karto amnigeeda," ayuu hadalkiisa raaciyay Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Puntland.

Is-dhaafsigan hadallada ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubaland, gaar ahaan kuwa la xiriira arrimaha amniga, doorashooyinka iyo wada-shaqeynta hay’adaha federaalka.

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka iyo isbeddelka dastuurka Soomaaliya, kuwaas oo hadda wajahaya caqabado sii kordhaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM