Gaas: Shacabka Annagu Warkiisa Kuma Shaqeyno Dowladuna Kuma Shaqeyso [Daawo]

Image

GAROOWE - Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas oo galabta Feb 14, 2018 dib ugu soo noqdey magaalada Garowe kadib markii muddo 8 cisho ah magaalada Muqdisho ugu maqnaa kulan madaxda maamulada Soomaaliya iyo dowlada Federaalka ah uga socdey kasoo qodobo laga soo saarey.

Gaas oo garoonka diyaardaha Gen. Maxamad Abshir Muuse ku soo dhoweeyeen madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo saraakil kale ayaa su'aalo saxaafadu waydiisay kaga jawaabey isagoo dhinaciisa ka warbixiyey socdaalkii magaalada Muqdisho ku tagey iyo heshiisyadii laga soo gaarey wadahadalkaas.

Cabdiweli Gaas ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Doonta ku caaridey duleedka dekada magaalada Boosaaso isagoo sheegey inu u bogaadinayo shacab iyo dowlad gargaarka ay ku badbaadinayaan hantida saaran Doontaas isagoo xusey iney qayb ka tahay barnaamijkiisa isku tashiga.

" Waan bogaadinayaa Boosaaso, dowlad iyo shacabba sidey ugu gurmadeen Doontii caaridey iyo wanaaga ay ku dhowdahay iney ku dhamaato Insha Alah, waana isku tashiga Puntland ayey ka tarjumeysa." ayuu Gaas isaga oo ka hadlaya gurmadka loo fidinayo Doonta Al Xafiis oo dhowaan ku caaridey duleedka dekada Boosaaso.

Dhinaca kale Madaxweynaha dowlada Puntland oo ka jawaabaya su'aal aheyd arimaha ka taagan degaanka Tukaraq oo maamulka Somaliland sanadkaan bilowgiisa qabsatey ayaa ku jawaabey in Dastuurka farayo in dalka la difaaco, dadka shacabkana anagu warkiisa kuma shaqeyno dowladana kuma shaqeyso.

"Dastuurka Puntland ayaa faraya in dalka la difaaco ee annaga dadka shacabka ah warkiisa kuma shaqeyno, dowladuna kuma shaqeyso." ayuu hadalkiisa ku soo koobey Gaas si carro ku jirto 

Hadalka jawaabta ah ee ku aadan xaalada Tukaraq ee Gaas ayaa ku soo beegmaysa xilli maalintii shaley xubin kamid ah Barlamanka Puntland oo kasoo jeeda gobolka Sool ku eedyey Madaxweynaha inuu ka gaabiyey diaafaca islamarkaana uu safaro xilli xaaladu kacsan tahay. Hoos ka dhageyso hadalka xildhibaanka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM