Gaas: Labo Boqol oo kun ayaan gaarsiin doonaa degmada Taleex

Image

GAROOWE, Puntland- Madaxweynaha dowladda Puntland Cadiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadda uu hogaamiyo il gooni ah ku eegi doonto degmada Taleex ee gobolka Sool, taasoo muddooyinkii dambe dhaq-dhaqaaqyo ay kawaday xukuumadii hore ee Somaliland, taasoo uu hogaaminayay Maxamed Maxamud Siilaanyo.

Gaas ayaa sheegay in deeq lacageed ay gaarsiin doonaan degmada iyagoo ka jawaabaya baahiyaha halkaas ka taagan iyo cabasho uga timid shacabka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in lacag gaaraysa $200,000 [ Laba Boqol oo Kun oo Doollar] ugu talo galeen in wax looga qabto xaalka Taleex.

“ Waxaan rabnaa inaan ka jawaabno baahiyaadka ay noo-sheegeen waxgaradka magaalada Taleex kaasi oo ah wax ka qabashada adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, waxaanna rabaa inaan halkan ka cadeeyo inaan $200,000 [ laba boqol oo kun oo dollar] gaadhsiin doono degmada Taleex kaasi oo aanu ugu tala galay inaanu wax kaga qabano adeegga bulshada ee magaaladaasi," ayuu yiri Gaas.

Cabdiwali Maxamed ayaa intaas ku daray in dowladda iyo hay'adda lagu magacaabo TIS+ ay barnaamijka hormarineed ka fulin doonaan degmada Taleex ee gobolka Sool.

"Barnaamijkaas waxaa iska kaashan doona dawladda Puntland iyo hay’adda TIS-PLUS," sidaas waxaa hadalkiisa kusii daray Madaxweyne Gaas.

Hadalkan ayuu ka sheegay Madaxweynaha Puntland xilli uu maanta ka qayb galayay munaasabad lagu dhagax dhigayay wado isku xiri doonta Magaalada Garoowe iyo degmada Taleex.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli xukuumadda hada jirta iyo mas'uuliyiinta dowladda ku jira ee gobolkaas kasoo jeeda lagu eedeeyo inay ka gaabiyeen sidii ay wax uga qaban lahaayeen xaaladda deeganadaas oo ay ku mur-maan Somaliland iyo Puntland.

Taleex ayaa kamid ahayd goobihii dhawaan ay ka dhacday doorashada Somaliland ee dadka ku nooli u kala codeeyeen axsaabtii ku loolamay doorashadii dhacday 13 November.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Xaqiijiyay Duqeymo ka Dhacay Gobolka Bari ee Puntland

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale eedeeyay madaxweynaha hore ee Mareykanka, Joe Biden, in uusan si degdeg ah uga hortagin ISIS gudaha Soomaaliya.

  • Puntland

    01-02-2025

  • 06:48PM

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM