Gaas oo diidey in baaris lagu sameeyo Al-shabaab baxsadey

Image

GAROOWE- Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa ka socday 24 saac ee lasoo dhaafey shirar aan kala go' lahayn kuwasoo lagaga hadlayey fadeexadii la xiriirtey kooxdii Al-shabaab-ka aheyd oo ka baxsatey guri la sheegey in lagu dhaqan celinayey bilihii ugu dambeeyey.

Madaxweynaha Puntland oo kulamo la yeeshey saraakiisha amni oo ay khuseyso arintaan ayaa wararku waxay sheegayaan inuu ka diidey dalab ahaa in loo ogolaado iney baaris ku sameeyaan shirkadda haysata mashruuca lagu xanaaneynayo kooxdaan lagu soo qabtey dulaanka ururka Al Shabaab ku soo qaadey tuulooyinka Garacad iyo Suuj sanadkii 2016.

Laamaha argagixiso la dirirka iyo saraakiisha ciidamada asluubta Puntland ayaa wararku waxay xusayaan iney aad u dalbanayaan in dhacdadaan lagu sameeyo baaris furan oo loo magacaabo guddiyo ogaada sababta maxaabiistaan u baxsatey.  

Kulamadaan ayaa sidoo kale xogaha laga helayo waxay sheegayaan in Madaxweyne Gaas saraakiisha amniga si adag ugu wargaliyey in talaabo laga qaado wariye-yaasha kala duwan ee dhacdadaan ka hadlay.

Warar Madaxbanaan ayaa warsidaha Garowe online u sheegey in Madaxweyne Gaas qayb ka yahay shirkadaan maamuleysay masruuca la sheegey in lagu dhaqan celinayey kooxdaan maxaabiista ah.

Milkiilaha shirkada PSA Cabdifatax Maxamad Sugulle oo ah ganacsade ayaa waxaa uu xiriir dhow la leeyahay Madaxweyne Gaas isagoo dhinaca kale wakiil uga ahaa makiinad daabici jirtey lacagta Shilin Soomaaliga faalsada ah taasoo ka howlgali jirtey magaalada Boosaaso.

Madaxda kala duwan ee Puntland ayaan weli ka hadlin dhacdadaan oo noqtey midda ugu hadal haynta badan Soomaaliya gaar ahaan mandaqadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM