Gaas oo magacaabay taliye ku-xigeenka ciidanka Daraawiishta Puntland, Dayr oo hadlay

Image

GAROOWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland, ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay taliye ku-xigeenka ciidanka Darawiishta Puntland, kadib is-casilaadii Dayr Xaaji Cabdi oo booskan uga tagay duruufo daryeel iyo mushahar la’aan ciidankaas soo wajahday, sida uu ku sheegay war-saxaafadeed uu shalay ku qabtay magacaalada Garoowe.

Dayr, ayaa tilmaamay in ciidankan oo ah kuwa ugu muhiimsan laamaha difaaca Puntland, ay waayeen xuquuqdii ay ku lahaayeen dowladda muddo saddex sano iyo dheeraad ah, isagoo xusay in hay’adda dowladda iyo Madaxweynuhuba ka wax ka qaban waayay cabashooyin dhowr ah oo ay u gudbiyeen ka hor inta uusan xilka iska casilin bishii hore.

Wuxuu sheegay in xukuumadda hadda jirta ay ku dhaqaaqday tallaabo lagu curyaaminayo ciidamada difaaca sidaas awgeed uu go’aansaday inuu booskaas isaga tago.

Balse wareegto maanta soo baxday waxaa mas’uulkaas Booskiisa loo magacaabay sarkaal lagu magacaabo, Siciid Axmed Maxamed (Shoodhe) oo horay uga soo mid noqday saraakiisha difaaca Puntland.

Sareeye Guuto Shoodhe ayaa booskan loo dhiibay xilli deegaanada Puntland laga dareemay diyaar garow ku aadan arrimaha gobolka Sool gaar ahaan Tukaraq oo tan iyo 08 Janaayo gacanta ugu jirta Somaliland.

Shoodhe ayaa sida la rumaysanyahay kamid ah saraakiisha horboodaysa in dowladdu dib usoo ceshato gobollada kaga maqan gacanta Somaliland, wuxuuna kasoo jeeda gobolka Sool.

Mas’uulkan kama uusan hadlin sida uu u arko xilka loo mgacaabay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM