Garoowe: Maayarka cusub oo xilka la wareegay [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Xaflad maanta lagu qabtay gudaha magaalada Garoowe, ayaa xilka lagu wareejiyay Maayarka Cusub ee caasimadda Puntland, Axmed Ayax kaasoo dhawaan Madaxweyne Gaas soo magacaabay kadib markii uu kala diray golihii hore ee deegaanka.

Xafladda oo ay goob joog ka ahaayeen mas’uuliyiin katirsan dowladda, Isimada gobolka Nugal iyo marti sharaf kale, ayaa lagu bogaadiyay qaabka xil wareejintu u dhacday.

Maayarkii hore ee degmada Xasan Maxamed Ciise Goodir oo kursigan ku fadhiyay 2 Sano iyo 7 bilood, ayaa faah faahin ka bixiyay wixii u qabsoomay iyo caqabadaha ka horyimid.

Xasan Goodir, wuxuu sheegay in degmadu hormar samaysay mudadii ay joogeen xafiiska, islamarkaana ay dhismeen jidad badan, dowladda hoosena u soo gadeen in kabadan 10 gaari halka markii hore ay xilka kula wareegeen 8 Baabuur sida uu hadalka u dhigay.

Mar uu ka waramayay caqabadihii ka horyimid, wuxuu tilmaamay inay la kulmeen dhibaato kaga imaanaysay mas’uuliyiin hore iyo shakhsiyaad uu tilmaamay inay adeegsanayeen dhaqaalo tiro badan.

“Waxaa jiray caqabado naga horyimid kuwaasoo soo bilowday markii aan xafiiska nimid, caqabadahaas waxaa waday koox ay ka go’nayd inay degmada curyaamiyaan kuwaasoo isugu jiray, maamulladii hore ee degmada Qaarkood, madaxdii hore ee Puntland qaar kamid ah, iyo dadkii ku dhadhawaa maamulkii hore ee Puntland,”

Xassan Goodir, ayaa intaas ku daray in kooxdaas iyo mas’uuliyiintaas hore oo uusan carabka ku dhufan dhaqaalo badan ku bixiyeen curyaaminta deegmada iyo inay shaqo gali waayaan guddigii Joogtada ahaa.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu xusay in degmada laga jaray lacagtii Curaarta ahayd ee ay ka heli jirtay dowladda dhexe, taasoo caqabad ku noqotay howlihii amniga iyo hormarka sida uu Xasan Goodir Sheegay.

Dhinaca kale Guddoomiyaha cusub Axmed Ayax ayaa ballan qaaday inuu ka shaqayn doono sidii degmada u noqon lahayd mid hormarkeedu taam yahay, isagoo xusay inuu la imaan doono qorshayaal cusub oo wax looga qabanayo amniga iyo hormarka. 

Wuxuu tilmaamay inuu furi doono waddooyinka xiran islamarkaana mudada kooban ee ay haystaan ay wax ku badali doonaan.

Qaar kamid ah kasoo qayb galayaashii shirka iyo mas’uuliyiinta dowladda ee hadlay ayaa ballanqaaday inay la shaqayn doonaan maamulka cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM

Madaxweyne Deni oo Tusaale U Noqday Dagaalka Argagixisada Soomaaliya

Tallaabadan ayaa muujinaysa taageerada ballaaran ee shacabka Puntland iyo guulaha muhiimka ah ee ay gaareen ciidamada.

  • Puntland

    29-01-2025

  • 09:16AM