Garoowe: Xarunta laga Dalbado Baasaboor Soomaaliga oo xiran

Image
Image

GAROOWE, Puntland- Magaalada Garoowe waxaa maalintii shanaad aan shaqaynayn xaruntii dowladda Federaalka ee laga qaadan jiray Baasaboor Soomaaliga sababo la xariira is-faham la'aan la xariira dhinaca shaqada oo u dhaxeeyay maamulka sare ee Laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo xafiiskooda Garoowe.

Wararka ku xeeran xirnaanshaha xaruntan ayaa sheegaya in is-maandhaaf uu ka dhashay amar uu bixiyay taliyaha ugu sareeya hay'addaas oo booqasho Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) 05 March, kaasoo codsaday in xarunta Garoowe oo ku taalla bartamaha magaalada loo raro Dhisme cusub oo hay'addaas ka dhisatay dhinaca Galbeed ee caasimadda Puntland gaar ahaan halka ay daganyihiin wasaaradda dowladda iyo Madaxtooyadu.

Go'aankaas waxaa markii hore ka biyo diiday maamulka jooga xarunta Garoowe ee laga dalbado Baasaboorka, kuwaasoo sheegay in waqtigan uusan munaasab ahayn in loo guuro meel ka baxsan gudaha magaalada iyadoo ay jiraan dad duruufaysan.

Dood dheer iyo is-maandhaaf kadib qof xog ogaal ah oo katirsan hay'adda codsadayna inaanan magaciisa shaacin ayaa GO u sheegay in mas'uuliyiinta xarunta Garoowe iyo Taliye Koofi isku af-garteen in laga guuro magaalada oo Buurta dhismaha ku yaal loo raro qalabka lagu shaqaynayo.

Heshiiskaas kadib, ayaa Khamiistii lasoo dhaafay la jaray khadkii tooska ahaa ee lagu dalban jiray Baasaboor Soomaaliga kadib markii uu Taliye Koofi dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, sida aan ka soo xiganay xarunta Laanta Socdaalka ee magaalada Garoowe.

Qaar kamid ah dadkii Dalban jiray Baasaboor Soomaaliga ayaa saxaafadda dowladda Federaalka u mariyay cabasho ah in wax laga qabto arrintan oo dib loo sii daayo khadkii iyagoo qaybtood sheegeen inay kasoo safreen dhul fog.

Majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya iyo maamulka xarunta dhexe ee Garoowe, balse waxaa saaka qalabkii loo raray dhinaca xafiiska hay'addaas ku leedahay Galbeedka caasimadda Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Xaqiijiyay Duqeymo ka Dhacay Gobolka Bari ee Puntland

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale eedeeyay madaxweynaha hore ee Mareykanka, Joe Biden, in uusan si degdeg ah uga hortagin ISIS gudaha Soomaaliya.

  • Puntland

    01-02-2025

  • 06:48PM

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM