Guddiga Sare ee Warbaahinta Puntland oo Guddoomiye Doortay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Guddiga Sare ee Warbaahinta Puntland ayaa maanta doortay Guddoomiye, ku-xigeen, xoghayn iyo Khasnaji, kadib markii ururka Warbaahinta Puntland ee MAP u qabatay shir socday labo maalin oo looga hadlayay doorka xubnahan iyo waxyaabaha ay ka shaqayn doonaan.

Kulanka maanta ayaa gunaanadkiisii lagu doortay Nuur Shire Cismaan oo noqday Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Warbaahinta Puntland, halka ku xigeenka laga dhigay Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta Puntland, Mowliid Nuur Abkeey, Xoghayah ayaa isna waxaa loo doortay Burhaan Axmed Daahir oo guddigan kasoo galay dhinaca MAP, halka Khasnajiga ay noqotay Faa'isa Cabdullaahi Cilmi oo matalaysay bulshada rayidka ah.

Guddigan ayaa ka shaqayn doona sidii xal looga gaari lahaa muranada inta badan dhexmara warbaahinta iyo dowladda, waxaana Guddoomiye Nuur Shire Cismaan oo Doorashadiisa kadib la hadlay GO uu sheegay inay diiradda saari doonaan marka ugu horaysay sidii ay dib u eegis ugu samayn lahaayeen xeerka Warbaahinta Puntland aoo hadda ah mid qoran.

Nuur Shire, wuxuu intaas ku daray inay qaban doonaan shir weyne ay isugu yeeri doonaan dhinacyada ay khusayso howshan kuwaasoo ay kala hadli doonaan shaqadooda iyo qaabkii loo wajihi lahaa.

Tayaynta Saxaafadda iyo cidda Wariye noqon doonta ayay sidoo kale xubnahani howshoodu noqon doontaa, sida ay Warsidahan u sheegeen Guddigan.

7da Xubnood ee noqday Guddiga Sare ee Warbaahinta Puntland ayaa kusoo baxay digreetada Wasiirka Warfaafinta 25kii bishan, iyagoo kala yimid, Dowladda oo leh labo xubnood(Agaasime ku-xigeenka Telefishinka Dowladda Daahir Aflow, iyo Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta Mowliid Nuur Abkeey), xubin ka socota Warbaahinta oo ay soo xushay MAP (Burhaan Axmed Daahir), xubin ka timid bulshada Rayidka ah (Faa'isa Cabdullaahi Cilmi), qof ka socday Garyaqaaanada (Sheekh Siciid), iyo qof ah Khuburo dhinaca saxaafadda ah oo ka yimid Wasaaradda Waxbarashada Puntland (Agaasimaha Tacliinta Sare, Maxamed Axmed Shirdoon).

Guddigan ayaa la filayaa inay ka shaqeeyaan is-maandhaafka inta badan ka dhextaagan dowladda iyo Warbaahinta, waana markii ugu horaysay ee la sameeyo guddi noocaan ah tan iyo markii la aas-aasay maamulkan 1998.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM

Madaxweyne Deni oo Tusaale U Noqday Dagaalka Argagixisada Soomaaliya

Tallaabadan ayaa muujinaysa taageerada ballaaran ee shacabka Puntland iyo guulaha muhiimka ah ee ay gaareen ciidamada.

  • Puntland

    29-01-2025

  • 09:16AM