Guddoomiyihii Guddoonka waxbarashada Nugal oo xilka laga qaaday

Image

GAROOWE, Puntland- Wareegto kasoo baxday xafiiska wasiirka wasaaradda Waxbarashada Puntland, ayaa xilkii looga qaaday Guddoomiyihii guddoonka waxbarashada gobolka Nugaal, Xaashi Xuseen Faarax oo muddo xilkan soo hayay.

Sida lagu sheegtay Digreetadan oo uu ku saxiixanyahay Wasiirk Abshir aw-Yuusuf Ciise, mas'uulkan ayaa shaqada laga cayriyay sababo ay kamid tahay cabashooyin soo noq-noqday oo hortaagan in hormar laga gaaryo waxbarashada Nugaal.

Sidoo kale madaxda wasaaradda ayaa talo galyo ka dhiibtay arrintan iyadoo Booskaas loo magacaabay, Cabdisamad Sheekh Xaamud (Dhalo), kaasoo kamid ahaa dhalinyarada Cayaaraha gobolka Nugaal muddooyinkii dambena wax ka dhigi jiray Jaamacadda PSU.

Guddoomiyaha cusub, ayaa sidoo kale soo noqday Kabtanka xulka kubadda cagta gobolka Nugaal, isagoo haysta darajada heerka labaad ee waxbarashada Jaamacadda.

Tallaabadan ayaa timid xilli muddooyinkii dambe wasaaradda uu ka jiray is-qabqabsi ku aadan shaqada mas'uuliyiinta sare oo uu ku lug leeyahay Madaxweyne Gaas, kadib markii uu soo saaray Wareegto uu awood ku siinayo wasiir dowlaha wasaaradaas.

Taasi waxay markii dambe keentay in Agaasimihii wasaaraddan loo wareego Cadaaladda islamarkaana Maxamed Cali Faarax oo booskaas joogay loo soo wareejiyo Waxbarashada.

Lama oga magacaabistan cusub waxay ka badali doonto hannaankii waxbarashada gobolka Nugal, xilli labada mas'uul ee la isku badalay aysan wali ka hadlin Digreetada wasiir Abshir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM