Guddoomiyihii Guddoonka waxbarashada Nugal oo xilka laga qaaday

Image

GAROOWE, Puntland- Wareegto kasoo baxday xafiiska wasiirka wasaaradda Waxbarashada Puntland, ayaa xilkii looga qaaday Guddoomiyihii guddoonka waxbarashada gobolka Nugaal, Xaashi Xuseen Faarax oo muddo xilkan soo hayay.

Sida lagu sheegtay Digreetadan oo uu ku saxiixanyahay Wasiirk Abshir aw-Yuusuf Ciise, mas'uulkan ayaa shaqada laga cayriyay sababo ay kamid tahay cabashooyin soo noq-noqday oo hortaagan in hormar laga gaaryo waxbarashada Nugaal.

Sidoo kale madaxda wasaaradda ayaa talo galyo ka dhiibtay arrintan iyadoo Booskaas loo magacaabay, Cabdisamad Sheekh Xaamud (Dhalo), kaasoo kamid ahaa dhalinyarada Cayaaraha gobolka Nugaal muddooyinkii dambena wax ka dhigi jiray Jaamacadda PSU.

Guddoomiyaha cusub, ayaa sidoo kale soo noqday Kabtanka xulka kubadda cagta gobolka Nugaal, isagoo haysta darajada heerka labaad ee waxbarashada Jaamacadda.

Tallaabadan ayaa timid xilli muddooyinkii dambe wasaaradda uu ka jiray is-qabqabsi ku aadan shaqada mas'uuliyiinta sare oo uu ku lug leeyahay Madaxweyne Gaas, kadib markii uu soo saaray Wareegto uu awood ku siinayo wasiir dowlaha wasaaradaas.

Taasi waxay markii dambe keentay in Agaasimihii wasaaraddan loo wareego Cadaaladda islamarkaana Maxamed Cali Faarax oo booskaas joogay loo soo wareejiyo Waxbarashada.

Lama oga magacaabistan cusub waxay ka badali doonto hannaankii waxbarashada gobolka Nugal, xilli labada mas'uul ee la isku badalay aysan wali ka hadlin Digreetada wasiir Abshir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM