Ilaalada Gaas oo jirdilay Wariye katirsan Radio Garoowe

Image

GAROOWE, Puntland- Ciidanka ilaaliya Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta jirdil u gaystay wariye katirsan Radio Garowe oo lagu magacaabo Khaliif Geelle Aadan.

Wariyaha ayaa lagu jirdilay afaafka hore xarunta Jaamacadda Boosaaso oo ay saaka ka dhacaysay xaflad qalin jabin ah taaso lagu casuumay inuu ka qayb galo Madaxweynuhu.

Khaliif oo la hadlay Warsidaha Garowe Online, ayaa sheegay in la dilay isagoo aysan jirin sabab uu ku mutaysto dhaawac iyo xad-gudubka ka muuqda jirkiisa, wuxuuna intaas ku daray in markii hore Bastoolad madaxa uu ka saaray mid kamid ah ilaalada gaar ah ee Cabdiwali Cali Gaas.

"Gaari ayaan watay waxaana aaday Jaamacadda Boosaaso anoo doonaya inaan soo duubo xafladda qalin-jabinta Ardayda, markii aan ku dhawaa xarunta Jaamacadda ayaan arkay gaari laamiga lagu gooyay, kadibna waxaa xigay in askari uu dhaho kala wareeg, dabadeed waxaan tusay Kaamiradii oo aan iri waxaan ka socdaa Radio Garowe, intaas markii aan ku iri ayuu i caayay iguna amray inaan dib u laabto, markii aan gaariga galay waxaa ii xigtay Bastoolad uu igu qabtay mid kamid ah ilaaladii goobta joogtay, kadibn askari kale oo Tuute qaba ayaa dharbaaxo wajiga i qaaday ilaa ay markii dambe gaariga igala dageen oo ay igu dul socdeen," ayuu yiri Khaliif Geelle.

Isagoo sii hadlaya, wariyahan ayaa intaas ku daray, "Waan wareeray waliba xanuunsaday cabaar kadib ayaan kasoo tagay meeshii, kadibna maanta waxaa isoo wacay taliyaha ciidanka Madaxtooyada oo igu yiri, "Ciidanku waxbeen ii sheegeen ee sidee wax u dhaceen markii aan u waramayna wuxuu igu yiri anaa wax baaraya waana kula soo hadlayaa," sidaas waxaa warsidahan u sheegay Dhibane Khaliif Geelle.

Wariyahan oo ka eed sheeganaya Madaxa iyo Feeraha ayaa intaa tilmaamay in gardarro cad ay ku dileen ilaalada Madaxweyne Gaas islamarkaana aysan jirin khalad uu ku mutaystay in la garaaco iyo amar diido uu ku sameeyay ciidankaas.

Majirto ilaa hadda cid ka hadashay falkan oo qayb ka ah tacadiyada loo gaysto wariyaasha ka howl gala gudaha Soomaaliya gaar ahaan Puntland.

Maaha markii ugu horaysay ciidanka ilaaliya Madaxtooyada Puntland ay jirdilaan wariye katirsan Radio Garoowe islamarkaana ka hor istaagaan munaasabad Madaxweyne Gaas joogo, balse waxay ahayd 9 May, 2014 markii Agaasimaha Idaacadda Axmed Cawil laga hor istaagay shir uu waqtigaas Madaxweytooyada ku qaban lahaa Madaxweyne Gaas. Halkan ka Daawo

Tan iyo markii uu xilka qabtay Madaxweyne Gaas Janaayo, 2014 waxaa kordhay tacdiga lagula kacayo saxaafadda xilli ay jirtay ballanqaad kasoo yeeray Cabdiwali Maxamed Cali waqtigii uu ku jiray ololaha doorashada 2013.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Xaqiijiyay Duqeymo ka Dhacay Gobolka Bari ee Puntland

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale eedeeyay madaxweynaha hore ee Mareykanka, Joe Biden, in uusan si degdeg ah uga hortagin ISIS gudaha Soomaaliya.

  • Puntland

    01-02-2025

  • 06:48PM

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM